Sign in to follow this  
Deeq A.

Daawo: Madaxweyne Xasan oo Midowga Yurub hordhigay dalab muhiim ah

Recommended Posts

Deeq A.   
Xasan-Sheekh-1.png?fit=1139%2C725&ssl=1

Brussels (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan magaalada Brussels ee dalka Belgium ayaa halkaas uga qayb-galay shirka Midowga Yurub iyo dalalka soo koraya.

Madaxweynaha ayaa khudbad uu ka jeediyay shirka wuxuu kaga hadlay hindisaha dowladda federaalka Soomaaliya ee ku aaddan in deeqaha binu-aadantinimo iyo gargaarka deg-degga ah ee Midowga Yurub.

Waxa uu ka dalbaday Midowga Yurub in kaalmada bini’aadanimo ee siiso Soomaaliya loo beddelo mashaariic horumarineed iyo maalgashi, si dalkeenna u gaaro isku filnaasho gudaha ah, ama ugu yaraan uga maarmo ku tiirsanaanta kaalmo caalami ah.

“Tan iyo bishii Luulyo 2022, Ciidanka Amniga Soomaaliya ayaa ku guuleystay in ka badan 80 degmo in ay ka xoreeyaan argagixisada Al Shabaab,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

“Magaalo-xeebeedyada sida Xarardheere, waxaan dib u soo celinay waxbarashadii tooska ahayd muddo toban sano ah kaddib anagoo dib u habeyn ku sameynay dugsiyada iyo macallimiinta. Carruurtan hadda waxay heleen fursad cusub oo mustaqbal ifaya oo ku hagaya rajo wanaagsan iyo horumar.”

Madaxweynaha Soomaaaliya oo bilihii lasoo dhaafay saldhiggissu ahaa magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug, ayaa tan iyo markii dib loo soo doortay hoggaaminayay dagaal ka dhan ah Khawaarijta Al-Shabaab.

Ciidamada xoogga dalka oo kaashanaya kuwa dadka deegaanka ee Macawiisleyda ayaa ku guuleystay Al-Shabaab ka xoreeyaan degmooyin iyo deegaano badan, waxaana si weyn gobollada dalka uga socda baacsiga kooxda.

Hoos ka daawo muuqaalka

The post Daawo: Madaxweyne Xasan oo Midowga Yurub hordhigay dalab muhiim ah appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this