Sign in to follow this  
Deeq A.

Arrimo culus oo ka dhalanaya aamusnaanta dowladda ee xiisadda Puntland

Recommended Posts

Deeq A.   
Xasan-sheekh-iyo-saciid-deni.jpg?fit=960

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda dhexe ee Soomaaliya ayaa faraha ka laabatay xaaladda siyaasadeed ee ka taagan deegaanada Puntland.

Halkan hoggaamiyaha maamulka Saciid Cabdullaahi Deni ayaa qaabeystay doorasho isaga le’eg, taas oo mucaaradka si weyn u diidan yihiin.

Odayaasha dhaqanka ee maamulka ayaa u fadhiya shir gaar ah si ay ugu dhawaaqan taladooda iyo waxa xalka u noqon kara ismari-waaga siyaasadeed ee ka taagan Puntland.

Ciidanka ayaa ku kala qeybsan xaalka siyaasadeed ee Puntland, kuwaasi oo qaarna ay Saciid Deni iyo qorshihiisa ogol yihiin, qaarna ay ka soo hor jeedan.

Waxaa kale oo jira ciidan xooggan oo iyaga iyo Saciid Deni mar hore kala dhinteen, kuwaas oo la yiraahdo PSF. Ciidankaasna waa buddo gaar u tuman marka laga hadlayo xukunka iyo xaalka Saciid Deni.

Ninka loo tiriyo inay ciidankaas siyaasad ahaan taabacsan yihiin Asad Cusmaan Diyaano wuxuu hore u sheegay inay tuutaha xiran doonan haddii Saciid Deni uu qaban waayo doorasho la isla ogol yahay 8-da Janaayo 2024.

Sida ka muuqatay jadwalka uu soo saaray guddiga lagu muransan yahay ee doorashooyinka Puntland 50 cisho oo dib u dhac ah ayaa ku imaanaya waqtiga, balse waxaa waqtiga ka muhiimsan in aan heshiis lagu aheyn nuuca doorashada.

Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya oo iyadu masuul ka ah guud ahaan Jamhuuriyadda ayaa indhaha ka eeganeysa waxa ka socda Puntland.

Halkan ayaa kal hore gacanta la iskula tagay xilli maamulka Saciid Deni uu rabay inuu furo dastuurka maamulka. Waxaana dagaalkii ka dhacay Garoowe ku dhintay dad iskugu jiray shacab iyo askar.

Markale cabsi ayay muujinayaan shacabku. Mucaaradka oo rag hubeysan ay ku jiraan waxay ku hanjabeen in aanay aqbali doonin qorshaha Saciid Deni, iyaguna aanay masuul ka noqon doonin wax walba oo dhibaato ah oo ka dhasha isku-deyga Deni.

Dowladda dhexe ee Soomaaliya, gaar ahaan madaxweyne Xasan Sheekh iyo ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa horay uga hadlay xaaladda Puntland. Balse si weyn ayaa xilligaasi loogu dhalleeceyay, waxaana mucaaradka Puntland qaar sheegeen inay dowladda taageerayaal u abuurtay Saciid Deni.

Halka uu Saciid Deni isna si xeer siyaasadeedka ka baxsan u weeraray ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre.

Hadda markale xaaladda siyaasadeed ee Puntland waa mid cakiran, waxaa muuqata in dowladda dhexe ay sugeyso illaa xaalka uu gaaro meel aanay waxba ka qaban karin oo tallo iyo tabarna aanay u haynin.

Uma badna in madaxda dowladda dhexe ee Soomaaliya laga qaadan doono inay mowduuc sidaan u weyn uga leexdan si aan loo eedeyn, sababta oo ah taasi waxay kasoo horjeeda masuuliyadii loo doortay.

Ugu yaraan haddii aanay haysan awood ay ku fara-geliso waa inay booskeeda cadeysa inta aanay xaaladdu kasii darin ayay leeyihiin dadka ka faallooda siyaasadda Soomaaliya.

Doodda sheegaysa in haddii mowqifka dowladda dhexe la ogaado inay caawimaad u tahay Saciid Deni oo raba inuu mar labaad kursiga kusoo laabto, waxaa ka muhiimsan masuuliyadda saaran dowladda dhexe oo ah ilaalinta amniga guud ee dalka, badbaadinta shacabka Soomaaliyeed iyo xalinta tabashooyinka labada heer dowladeed ee Soomaaliya.

Dad badan ayaa rumeysan in ka aamusnaanta dowladda dhexe ee arrimaha Puntland inay dhaawaceyso miisaanka dowladda dhexe, isku haynta dalka iyo hanaanka federaalka intaba.

The post Arrimo culus oo ka dhalanaya aamusnaanta dowladda ee xiisadda Puntland appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this