Sign in to follow this  
Deeq A.

Saciid DENI oo taageero weyn u muujiyay Marwo kadib arrintii lagula kacay

Recommended Posts

Deeq A.   
Soomaaliya-oo-u-tartameysa-Madaxweynaha-

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad-goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa si adag uga hadlay arrinta lagula kacay Xildhibaan Marwo Cabdi Bashiir Xaaji Cali Salaad, oo u tartameeysay hoggaanka sare ee Baarlamaanka Adduunka.

Saciid Deni ayaa ka horyimid warqad la sheegay inay kasoo baxday xafiiska guddoomiye Aadan Madoobe oo tartanka madaxweynaha adduunka uu kaga reebay Xildhibaan Marwo Cabdi Bashiir, kaasi oo uu guddoomiyuhu ku sheegay inay tasaasushay gabadhan oo meteleysay Soomaaliya.

Bayaan kooban oo kasoo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa waxaa lagu sheegay in madaxweyne Saciid Den uu taageero buuxda la garab istaagay Xildhibaan Marwo CabdiBashiir Xaaji Cali.

“Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Deni asaga oo ku hadlaya Magaca Goleyaasha Dowladda iyo kan shacabka Puntland, waxaa uu taageero la garab istaagay Xildhibaan Marwo CabdiBashiir Xaaji Cali, oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya una tartamamaysa hoggaanka sare ee Baarlamaanka Adduunka,” ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay Madaxtooyada Puntland.

Bayaanka ayaa sidoo kale waxaa lagu yiri “Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane, Saciid Cabdullaahi Deni ayaa waxa uu urajaynayaa in xilkaas ay u tartamayso Alle ku Guulleeyo.”

Marwo Cabdi Bashiir ayaa waxay kamid tahay Xildhibaanada kasoo jeeda Puntland, ee ka tirsan Golaha Shacabka ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Isku soo wada duubo, Midowga Baarlamaanka Qaramada ayaa sida qorshuhu yahay waxay dalka Angola ku dooran doona madaxweynahooda 31-aad ee soo socda, kaasi oo ah madaxa siyaasadda ee baarlamaanka.

The post Saciid DENI oo taageero weyn u muujiyay Marwo kadib arrintii lagula kacay appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this