Sign in to follow this  
Deeq A.

Xisaabiyaha guud ee dowladda oo gudbiyay xisaab xirka 2022 iyo Golaha Wasiirrada oo…

Recommended Posts

Deeq A.   
Golaha-Wasiirada-.jpeg?fit=2048%2C1365&s

Muqdisho (Caasimada Online) – Xisaabiyaha Guud ee Dowladda Cabdiraxmaan Maxamed Anas ayaa horgeeyey Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya warbixinta sanad maaliyadeedka 2022.

Warbixin maaliyadeedka uu gudbiyay xisaabiyaha guud ee dowladda oo ah mid ahmiyad gaar ah u leh dalka iyo nidaamka dhaqaalaha wadanka, ayaa waxaa akhrin iyo falanqeyn dheer ku sameeyay Golaha Wasiirrada.

Golaha ayaa intaas kadib ansixiyey warbixinta xisaab xirka sanad maaliyadeedka 2022 ee uu soo gudbiyey xisaabiyaha guud ee dowladda Cabdiraxmaan Maxamed Anas.

Xisaab xir si rasmi ah loo horgeeyo Golayaasha dowladda waxaa waddanka ugu dambeysey sanadkii 2017-kii, sida lagu yiri bayaan kooban oo ay baahisay warbaahinta dowladda.

Xisaabiyaha Guud ee Dowladda ayaa waxa uu mar walba u taagan yahay dardar-gelinta iyo nidaaminta dhaqaalaha wadanka.

Golaha Wasiirrada ayaa sidoo kale waxay kulankooda shalay ku ansixiyeen heshiis u dhaxeeya dowladaha Soomaaliya iyo Sacuudiga, ayada oo isla shirkaas lagu meel-mariyay 4 hindise sharciyeed oo kale.

Hesiiska la ansixiyay ayaa ku saabsan dhinaca iskaashiga amniga ee Soomaaliya iyo Sacuudi Carabiya, sida uu shaaciyay afhayeenka xukuumadda Soomaaliya.

“Golaha wuxuu ansixiyay heshiis dhex-maray dowladda Soomaaliya iyo dowladda boqortooyada Sacuudi Caribiya, kaas oo ku saabsan dhinaca amniga oo labada waddan ay iska kaashan doonaan” ayuu yiri Farxaan Jimcaale oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho.

Afarta hindise sharciyeed ee la ansixiyay ayaa laba kamid waxaa soo diyaariyay wasaaradaha arrimaha gudaha iyo diinta iyo awqaafta, waxayna kala yihiin:

  1. Hindise sharciyeeda diiwaanka Zakada oo ay soo gudbisay wasaaradda diinta iyo awqaafta.
  2. Hindise sharciyeedka dhismaha hay’adda adeegga saadaasha hawada iyo cimilada.
  3. Hindise sharciyeedka dib u eegista sharciga la dagaallanka burcadbadeeda iyo ka hortegga afduubka ee sharci lambar 36, 30-kii April 1975-tii.
  4. Hindise sharciyeedka ilaalinta iyo taakuleynta barakacayaasha oo ay soo gudbisay wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya.
The post Xisaabiyaha guud ee dowladda oo gudbiyay xisaab xirka 2022 iyo Golaha Wasiirrada oo… appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this