Sign in to follow this  
Deeq A.

DF oo kursigii Marwo Bashiir looga guuleystay ku bedelaneysa laba arrin oo waaweyn

Recommended Posts

Deeq A.   
IMG_5530.jpeg?fit=660%2C362&ssl=1

Muqdisho (Caasimada Online) – Marwo Cabdi Bashiir oo ah xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka qeyb gashay tartan maanta loo galay xilka madaxweynaha Baarlamaanka Adduunka, kumana guuleysan inay hesho kursigaas, doorashadaas ayaa maanta ka dhacday dalka Angola.

Xildhibaan Marwo ayaa kursigaas kula tartamaysay afar mushar oo kale oo haween ah, waxaana ku guuleystay xilka Madaxweynaha Baarlamaanka Adduunka Tulia Ackson oo ah haweeney u dhalatay dalka Tanzania.

Guul-darrada kadib waxaa maanta sii xoogaystay dareen celinta ka dhalatay warqad la sheegay inay ka soo baxday xafiiska Gudoomiayaha Golaha Shacabka Soomaaliya Sheekh Aadan Madoobe, taas oo lagu sheegay in Soomaaliya ay ka tanaasushay tartanka Kursiga Madaxweynaha Barlamaaanka Aduunka, iyadoo loo diray guddigii qabanayey doorashada.

Xildhibaan Marwo Cabdi Bashiir oo la hadashay BBC ayaa sheegtay in warqadu ahayd mid iyada xitaa lagu been fariimay, maadama lagu qoray inay iyadu isaga hartay tartanka, balse kama harin tartanka ee waxaa looga guuleystay Sanduuqa, waxayna gashay kaalinta ugu dambeysa, iyadoo heshay 11 Cod.

Waxay sheegtay in markii ay aragtay warqada ay xiriir la samaysay Gudoomiyaha Golaha Shacabka Aadan Madoobe, balse uusan u sheegin wax sabab ah, isla markaana ay iska sii wadatay howlaheeda ololaha doorashada.

Dhanka kale, Wasaarada Arimaha Dibadda ayay Marwo sheegtay in aysan jirin cid kala soo xiriritay oo arrinta doorashada kala hadashay, laakiin waxay intaas ku dartay inay bilowgii ololaha ay ku garab isatageen oo ay ku faraxsanaayeen inay tartankaan gasho.

Xildhibaan Marwo Bashiir waxay tilmaamay in bilowgii rajadeedu ahayd mid sare, balse markii dambe ay dhaawac culus u geysatay warqada loo diray maamulka doorashada.

“Waxaan noqday qof tartamaysay oo dalkeedi liddi ku noqday, taas oo xitaa shaki galisay wakiiladii kale ee wadamada ka qayb galaya doorashada oo niyad jab ay gaarsiisay warqadani” ayey tiri Xildhibaan Marwo Bashiir.

Soomaaliya oo quudareyneysay helista kursiga aan joogtadada ahayn ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, ayaa kaalmo iyo garab istaaga olole waydiisatay wadamada geeska Afrika qaarkood, waxaana dalalka ay Soomaaliya garabka weydiisatay ka mid ah Tanzania oo kursigii maanta ku guuleysatay.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa ka codsaday madaxweynaha Tanzania inay ku taageeraan Soomaaliya helista kursigaas.

Fursada ugu weyn ee kursigaan ayaa ah mid siyaasadeed, iyadoo danaha muhiimka ah ee Soomaaliya ka yaala Qaramada Midoobay ay kamid yihiin in laga qaado cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaaliya.

Hadda waxaa kurigaas ku fadhisa Kenya, intii ay socotay doorashadaas Soomaaliya ayaa taageertay Jabuuti oo u tartameysay kursigaas, dowladda Soomaaliya ayaa hadda wada olalaheeda raadinta kurisgaas.

Dowladda Soomaaliya ayaa sida ay marar badan ka sheegtay warbaahinta dadaalkii ugu badnaa galisay sidii dalku ugu biiri lahaa Dalada Bulshada Bariga Afrika oo ah dallad dhaqaale iyo bulsho oo ay ku midaysan yihiin dalal ku yaal bariga iyo bartamaha Afrika.

Codsiga Soomaaliya oo la aqbalay ayaa waxaa socda qorshayaal farsamo oo ay ka wada shaqaynayaan guddiyo labada dhinac ah si loodhamaystiro ku biirista Soomaaliya ee dallada EAC, Suuq balaaran, isku socodka dadweynaha oo sahlanaada iyo qaadashada hal baasaboor ayaa kamid ah faa’iidooyin dhawr ah oo Soomaaliya ay doonayso inay ka hesho ku biirista dalladaan.

The post DF oo kursigii Marwo Bashiir looga guuleystay ku bedelaneysa laba arrin oo waaweyn appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this