Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya oo qaar kamid ah Safiirada deeq-bixiyaasha kula kulmay Nairobi

Recommended Posts

Deeq A.   
395440756_798896062277002_76213809363065

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Biixi Imaan Cige ayaa magaalada Nairobi kulan kula yeeshay qaar ka mid ah Safiirada iyo Wakiilada dalalka deeq bixiyayaasha.

Kulanka Wasiirka iyo Safiirrada iyo Wakiilada ayaa looga wadahadlay arrimaha horumarinta hannaanka Maaliyadda Soomaaliya iyo dameystirka qorshaha deyn cafinta dalka.

Sidoo kale, Wasiirka Maaliyadda ayaa kala hadlay madaxdii uu la kulmay sidii dowladda Soomaaliya ay u heli laheyd taageero ku filan kadib marka uu dhamaado hannaanka deyn cafinta.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Biixi Imaan Cige ayaa ku amaanay Wakiiladii iyo Safiiradii uu la kulmay doorkooda saaxiibtinimo ee ay Soomaaliya la garab taagan yihiin.

PUNTLAND POST

The post Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya oo qaar kamid ah Safiirada deeq-bixiyaasha kula kulmay Nairobi appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this