Jacaylbaro Posted May 6, 2009 Wasiirka wasaaradda Hawlaha guud iyo guriyaynta Somaliland Md. Siciid Sulub Maxamed ayaa markii u horeysay ****olka ka qaaday in xukumadda Somaliland ay ku hawlan tahay hirgelinta Dhisme cusub oo loo samaynayo Madaxtooyada dalka. kaas oo laga dhisayo Halkiia uuhore u ahaan jiray Aqalka State House ee Magaalada HArgeysa. Wasiirka oo Warfidiyeenada ugu waramay magaalada HArgeysa ayaa sheegay in dhaqaalaha ku bixi doona dhismaha cusub ay dawladu bixinayso, kaas oo uu tilmaamay in Madaxweynuhu dhulkaasi saxeexay kadib markii ay wasaarada Hawlaha guud qiimayn ay samaysay ku ogaatay baahida loo qabo in wadanku yeesho Aqal Madaxtooyo oo ka durugsan saxmada magaalada. Wax war ah oo tafaasiil ah kama soo bixin dhinaca xukuumadda balse waa markii u horeysay ee masuul ka tirsan xukuumada somaliland uu cadeeyo in Madaxtooyo cusub dalka loo dhisayo Quote Share this post Link to post Share on other sites