Sign in to follow this  
Deeq A.

Golaha wasiirada oo soo saaray go’aan farxad-geliyay ciidamada + Video

Recommended Posts

Deeq A.   
Golaha-wasiirada-Xamza.jpg?fit=2048%2C13

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha wasiirada xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa maanta shirkooda todobaadlaha ahaa ku yeeshay magaalada Muqdisho, kaas oo laga soo saaray go’aan farxad-geliyay ciidamada Soomaaliya ee dagaalka kula jira Al-Shabaab.

Shirkan oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa guddoomiyay ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre, ayada oo ay inta badan goobjoog ahaayeen xubnaha golaha wasiirada Soomaaliya.

Ugu horreyn golaha wasiirada ayaa dhageystay warbixin ku aadan amiga iyo guulaha laga gaaray dagaalka adag ee lagula jiro Al-Shabaab ee haatan ka socda gobollada dalka.

Intaas kadib golaha ayaa go’aamiyay in bishaarkooda oo dhan loo jaro ciidamada dowladda iyo kuwa Macawiisleyda ee howlgallada ka wada dalka, sida uu shaaciyay afhayeenka xukuumadda Soomaaliya, Farxaan Maxamed Jimcaale oo ka warbixiyay shirka golaha.

“Kulanka todobaadlaha ah ee golaha wasiirada ee xukuumadda DanQaran ayaa maanta waxa ay ku gaareen go’aamo dhaxal gal ah, kulanka oo uu shir guddoominayay ra’iisul wasaare Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa go’aamada lagu gaaray waxaa kamid ah in mushaarka wasiirada ee bishaan gabi ahaanba ay ku taageeraan howlgallada lagu ciriribtirayo kooxaha Khawaarijta” ayuu yiri afhayeenka xukuumadda Soomaaliya.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in go’aankan uu yahay mid dhiiragelinayo ciidamada Soomaaliyeed ee halganka ugu jira xoreynta dalka.

“Go’aankan taariikhig ah ee golaha wasiirada waxa uu dhiiragelinayaa ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed ee geesiyaasha ah iyo weliba dadka deegaanka ee dagaalka xaqa ah kula jira kooxaha cadowga ah ee Khawaarijta” ayuu raaciyay Farxaan Maxamed Jimcaale.

Ugu dambeyn golaha wasiirada Soomaaliya ayaa shirkooda ku ansixiyay warbixinya sanad maaliyadeedka 2022, taas oo ahmiyad u leh dalka iyo nidaamka guud ee dhaqaalaha.

Soomaaliya ayaa waxaa haatan ka socda guluf dagaal oo ay hormuud u tahay dowladda Soomaaliya, isla-markaana ay ka qayb qaadanayaan dadka deegaanka.

The post Golaha wasiirada oo soo saaray go’aan farxad-geliyay ciidamada + Video appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this