Sign in to follow this  
Deeq A.

CC Shakuur oo ka horyimid tallaabadii A/Madoobe, una hiiliyay MARWO

Recommended Posts

Deeq A.   
Cabdiraxmaan-Cabdishakuur.jpg?fit=2048%2

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo sidoo kale ah ergeyga gaarka ah ee madaxweynaha u qaabilsan arrimaha bani’aadanimada ayaa ka horyimid tallaabadii uu qaaday guddoomiyaha golaha shacabka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe).

Guddoomiye Aadan Madoobe ayaa soo saaray warqad uu tartanka madaxweynaha adduunka uu ka reebay xildhibaan Marwo Cabdi Bashiir, kaasi oo uu guddoomiyuhu ku sheegay inay tasaasushay gabadhan oo meteleysay Soomaaliya.

Warqadda kasoo baxday guddoomiyaha ayaa waxaa loo diray Baarlamaanka adduunka, ayada oo loogu sheegay in Xildhibaan Marwo ay ka tanaasushay tartanka.

Cabdiraxmaan Cabdirashuur ayaa arrintaan ku tilmaamay mid laga xumaado, wuxuuna tilmaamay in si toos ah tartanka looga reebay xildhibaan Marwo, si loo wiiqo hankeeda.

“Waa ayaan-darro wayn iyo wax laga xumaado in gabar Soomaaliyeed oo u tartamaysa hoggaanka sare ee Baarlamaanka Adduunka magaca Golaha Shacabka lagu garba duubo, hankeediina lagu wiiqo. Xildhibaan Marwa Abdibashiir Xaaji labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka ayaa cod midaysan ku taageeray in ay magaca Soomaaliyeed ugu tartanto xilka Guddoomiyaha Baaralamaanka Adduunka” ayuu qoraalkiisa ku yir Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Sidoo kale wuxuu xaqiijiyay inuu la xariiray xildhibaanada ayna u sheegtay inay arrintan lama filaan ku noqotay, maadaama ay warqadda soo gaartay, ayada oo ku jirto taranka.

Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray in tallaabada uu qaaday Sheekh Aadan Madoobe ay tahay mid sharci darro ah, islamarkaana looga been abuurtay baarlamaanka dalka.

“Qoraalka uu guddomiye Aadan Madoobe soo saaray waa mid sharci dari ah, sababtoo ah go’aan labo aqal ayaa lagu taageeray Xildhibaan Marwo, waa mid aan looga run sheegin in ay ka tanaasushay tartanka waa mid dhaawac ku ah qaranka Soomaaliyeed, hanjibayana qof kasta oo doonaya in uu magaca qaran ku tartamo” ayuu mar kale yiri Mr. Warsame.

Halkan hoose ka akhriso qoraalkan oo uu soo dhigtay bartiisa Facebook-ga:-

Waa ayaan-darro wayn iyo wax laga xumaado in gabar Soomaaliyeed oo u tartamaysa hoggaanka sare ee Baarlamaanka Adduunka magaca Golaha Shacabka lagu garba duubo, hankeediina lagu wiiqo. Xildhibaan Marwa Abdibashiir Xaaji labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka ayaa cod midaysan ku taageeray in ay magaca Soomaaliyeed ugu tartanto xilka Guddoomiyaha Baaralamaanka Adduunka.

Tartanka oo ay isku soo hareen iyada iyo 3 Haween Afrikaan ah oo dalalka Malawi, Tanzania iyo Senegal ka kala socda, lana joogo saacadihii ugu danbeeyey ee cod bixinta ayaa qoraal uu soo saaray Sheekh Aadan Madoobe u diray Baarlamaanka adduunka, kaasoo uu ku sheegayo in Xildhibaan Marwo ay ka tanaasushay tartankii.

Xildhibaan Marwo oo tartanka weli ku sii jirta ayaa ii sheegtay in uu filan waa ku noqday qoraalka uu Sheekh Aadan Madoobe kaligii magaca Golaha Shacabka ku soo saaray.

Qoraalka uu guddomiye Aadan Madoobe soo saaray waa mid sharci dari ah, sababtoo ah go’aan labo aqal ayaa lagu taageeray Xildhibaan Marwo, waa mid aan looga run sheegin in ay ka tanaasushay tartanka waa mid dhaawac ku ah qaranka Soomaaliyeed, hanjibayana qof kasta oo doonaya in uu magaca qaran ku tartamo.

Haddii ay xildhibaan Marwo tartankaas ka libin keeni waysana, waxaa u sabab ah Guddoomiye Aadan Madoobe iyo intii kale oo shirka kula ah. Golaha Shacabka waa in uu ka waynaada qof go’aankii.

396059440_910025524019011_40548853472173 396081775_910025537352343_56837274052822

The post CC Shakuur oo ka horyimid tallaabadii A/Madoobe, una hiiliyay MARWO appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this