Sign in to follow this  
Deeq A.

Qaramada Midoobay oo ku baaqday in Puntland lagu soo celiyo golaha wada-tashiga Qaran

Recommended Posts

Deeq A.   
20231026638338818274555140.jpg?resize=66

Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, marwo Catriona Laing, ayaa ugu baaqday dowladda Federaalka Soomaaliya, in Puntland lagu soo celiyo shirka golaha wada-tashiga.

“Waxaan ku jirnaa xilli xasaasi ah oo aan u baahannahay inaan si wadajir ah ugu heshiinno, iyadoo ay dowladdu hoggaaminayso habka loo marayo doorashooyinka, nooca doorasho ay Soomaaliya qaadan doonto, muddeynta, iyo qaabka doorashada”

“Dabcan, aad bay muhiim u tahay, in la isku dayo in Puntland dib loogu soo celiyo hannaankan, sababtoo ah aad bay u adkaan doontaa in la dhammaystiro hannaanka doorashada” ayay tiri Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Catriona Laing.

“Dastuur la’aan, waddanku aad ayay u adkaan doontaa in uu horay u socdoSoomaaliya waxay runtii u baahan tahay in dastuurka la dhameystiro; sida aad ogtihiin, weli dalku wuxuu ku shaqaynayaa dastuur qabyo ah” ayay sii raacisay Ms. Laing

Baaqan ayaa imaanaya, maalin kadib markii madaxweynaha Puntland Siciid Deni uu ku celiyay diidmadiisa go’aannadii u danbeeyay ee madasha wada-tashiga qaran oo uu ku tilmaamay mid aan dastuuri ahayn.

PUNTLAND POST

The post Qaramada Midoobay oo ku baaqday in Puntland lagu soo celiyo golaha wada-tashiga Qaran appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this