Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland: Burburin lagu bilaabay goobo ganacsi oo ku yaalla bartamaha Gaalkacyo

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1698298847023.jpg?resize=720%2C54

Dowlada hoose ee degmada Gaalkacyo ayaa saaka burburin ku bilowday goobo ganacsi oo ku yaalla bartamaha magaalada.

Goobaha burburinta lagu sameeyay ayaa ku taalla dhabarka danbe ee dhismihii hore ee bangiga oo dhawaan laga iibiyay ganacsato.

Wararka ayaa sheegaya in goobaha la burburiyay ay ku ganacsanayeen qaar kamid ah haweenka Gaalkacyo gaar ahaanna kuwa khudaarleyda ah.

Dowladda hoose ayaa sidoo kale xabsiga dhigtay xil. Farxiya Cabdi Jaamac oo ka tirsan golaha degaanka Gaalkacyo una doodaysay haweenka laga burburiyay ganacsigoodii.

Wararka ayaa intaas ku daraya in xil. Farxiya jirdil loo geystay ka hor inta aan xabsiga loo dhaadhicin inkastoo markii danbe la sii daayay.

PUNTLAND POST

The post Puntland: Burburin lagu bilaabay goobo ganacsi oo ku yaalla bartamaha Gaalkacyo appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this