Sign in to follow this  
Deeq A.

Ra’iisul wasaare Xamsa oo magacaabay Golaha Hannaanka Casriyeynta iyo Isbeddelka Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1698330087839.jpg?resize=720%2C48

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa magacaabay Golaha Hannaanka Casriyeynta iyo Isbeddelka Soomaaliya, kaas oo looga gol-leyahay in lagu dhiso, laguna  kobciyo isbeddelka horseedaya Horumar waara, isla markaana saldhig u noqon doona Soomaaliya xasiloon, Maamul hufan leh, Dhaqaale ahaanna isku filan.

Hannaanka Casriyeynta iyo Isbeddelka Soomaaliya ayaa abuuraya  dadaalo isku dhafan oo ay
qeyb ka yihiin dhammaan Wasaaradaha Xukuumadda, Dowladaha xubinta ka ah Dowladda Federaalka, Saaxiibada Caalamiga ah, Ururrada aan Dowliga ahayn, Ganacsatada iyo Bulshada Rayidka ah, si loo hagaajiyo Maamulka, sare loogu qado Horumarinta Dhaqaalaha, daryeelka bulshada iyo in la dhiso kaabayaasha dhaqaalaha.

Xubnaha  Golaha Hannaanka Casriyeynta iyo Isbeddelka Soomaaliya ayaa ka kooban;

1. Mudane Biixi limaan Cige, Wasiirka Maaliyadda
2. Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir, Wasiirka Waxbarashada,Hiddaha iyo Tacliinta Sare
3. Mudane Axmed Macalin Fiqi, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta
4. Mudane Maxamud Cabdiraxmaan Sheekh Faarax (Beene Beene), Wasiirka Qorshaynta
5. Mudane Cabdirisaaq Cumar Maxamed, Wasiirka Batroolka iyo Macdanta
6. Mudane Maxamed Axmed Shekh Cali (Doodishe), Wasiirka Amniga Gudaha
7. Mudane Axmed Madoobe Nuunow, Wasiirka Beeraha iyo Waraabka
8. Marwo Fardowsa Cismaan Cigaal, Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada
9. Dr. Maxamed Cilmi Ibraahim, Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada
10.  Mudane Jaamac Takhal Cabbaas, Wasiirka Biyaha iyo Tamarta
11. Mudane  Axmed Xasan Aadan, Wasiirka Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah
12. Mudane Jibril Cabdirashid Xaaji Cabdi, Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha
13. Marwo Khadiija Maxamed Almakhsuumi, Wasiirka Deegaanka iyo Isbeddelka Cimillada

Golahan ayaa waxaa shir guddoomin doona Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS, waxa ayna yeelan doonaan Xoghayn ka kooban:

1. Mudane Maxamed Abuukar Zubeyr, Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha
2. Maxamed Cabdiraxmaan Maxamed (Boolbool),  Agaasimaha Golaha Wasiirada ee XRW
3. Mudane Kamaludin Dahir Xasan, La-taliye, Arrimaha Amniga RW
4. Cabdirisaaq Cali Ibraahim, La-taliye, Horumarinta iyo Xiriirinta Barnaamijyada ee XRW.
5. Axmed Cumar Maxamed, La-taliye, Arrimaha Golaha Wasiirada ee XRW
6. Xasan Cabdulaahi Diiriye, La-taliye, Horumarinta iyo Tayaynta Maamulka Hay’adaha Dowladda ee XRW.

The post Ra’iisul wasaare Xamsa oo magacaabay Golaha Hannaanka Casriyeynta iyo Isbeddelka Soomaaliya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this