Sign in to follow this  
Deeq A.

Xaalad adag oo Qasa ka taagan iyo dhimashada oo korodhay

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka caafimaadka Falastiiniyiinta ayaa sheegay in tirada dadka ku dhintay duqeymaha diyaaradaha Israa’iil ku hayaan Qasa ay kor u kacday oo gaadhay hadda 6,500, oo qof.

Dhimashada waxaa u dheer dadka reer Qasa go’doomin ay ku jiraan oo xitaa cisbitaalladii ayaa ku dhow in ay u xidhmaan koronto iyo biyo la’aan tarteed.

Hay’adaha gargaarka ayaa walaac xooggan ka muujinaya in shaqaalaha caafimaadku aaney ku shaqeyn karin cisbitaallo koronto la’aan ah maadama dadka dagaalka ku waxyeeloobaya ay badanyihiin.

Xaaladda cakirnaanta ah ee Qasa ka taagan ayaa ku soo aadaysa xilli raysal wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu uu sheegay in ay isku diyaarinayaan weerar dhulka ah, hase-yeeshee ma uusan sheegin xilliga ay qaadayaan weerarka.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this