Deeq A. Posted October 26, 2023 Wasiirka caafimaadka Falastiiniyiinta ayaa sheegay in tirada dadka ku dhintay duqeymaha diyaaradaha Israa’iil ku hayaan Qasa ay kor u kacday oo gaadhay hadda 6,500, oo qof. Dhimashada waxaa u dheer dadka reer Qasa go’doomin ay ku jiraan oo xitaa cisbitaalladii ayaa ku dhow in ay u xidhmaan koronto iyo biyo la’aan tarteed. Hay’adaha gargaarka ayaa walaac xooggan ka muujinaya in shaqaalaha caafimaadku aaney ku shaqeyn karin cisbitaallo koronto la’aan ah maadama dadka dagaalka ku waxyeeloobaya ay badanyihiin. Xaaladda cakirnaanta ah ee Qasa ka taagan ayaa ku soo aadaysa xilli raysal wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu uu sheegay in ay isku diyaarinayaan weerar dhulka ah, hase-yeeshee ma uusan sheegin xilliga ay qaadayaan weerarka. Source Share this post Link to post Share on other sites