Sign in to follow this  
Deeq A.

Xogta kulan Saciid Deni uu Madaxtooyada kula yeeshay Isimida dhaqanka

Recommended Posts

Deeq A.   
396232250_879375210211489_78479024146176

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa kulan la yeeshay wafdi Isimada dhaqanka Gobolka Bari ah oo safar ku jooga Garoowe.

Kulanka oo ahaa qado sharaf uu madaxweyne Saciid Deni u sameeyay Isimida ayaa waxaa ka qeyb-galay Isimo, cuqaal, nabadoono iyo waxgarad ka socda Gobolka Bari kuwaasi oo safar uga soo laabtay Degmada Buurtinle.

Saciid Deni ayaa la wadaagay Isimada, cuqaasha iyo nabadoonada Gobolka Bari, warbixin ku saabsan xaaladda guud ee Puntland, sida lagu yiri bayaan kooban oo kasoo baxay Madaxtooyada Puntland.

Sidoo kale madaxweynaha ayaa la wadaagay Isimida dhameystirka hannaanka Dimuqraadiyadda Puntland ee qof iyo cod oo uu sheegay in hada uu marayo meel wanaagsan.

“Iyadoo ay inagu soo fool leeyihiin Doorashada Golaha Wakiillada iyo Madaxtooyada, Sidaasi darteed ay muhim tahay in la isu wada diyaariyo oo bulshada dhinac kasta uu doorkiisa qaato,” ayuu lagu yiri bayaanka Madaxtooyada Puntland..

Saciid Deni ayaa weli ku adkeysanaya hanaanka doorashada qof iyo cod oo ay diidan yihiin mucaaradka, ayada oo guddiga doorashooyinka Puntland ay soo saareen jadwal doorasho oo muddo kororsi dadban u sameynaya madaxweynaha muddo xileedkiisu geba-gebada yahay.

Qoraal dhawaan kasoo baxay guddiga doorashooyinka Puntland ayaa waxaa lagu shaaciyay in doorashada Madaxtooyadda iyo Baarlamaanka Puntland loo asteeyay inay qabsoomto 25-ka bisha Febraayo ee sanadka soo aadan ee 2024-ka.

Guddiga doorashooyinka Puntland ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in dib loo furay diiwaan-gelinta cod-bixiyaasha, islamarkaana la bilaabi doono dhamaadka sanadkaan, gaar ahaan bisha December.

Qabashada liistada Musharaxiinta ayaa bilaaban doonta December illaa January. Halka ololaha doorashada uu bilaaban doono February 2024-ka, maalmo kahor un waqtiga uu guddiga doorashooyinka u asteeyay doorashada isa-saaran, sida lagu sheegay jadwalka doorashada ee uu saaray guddiga PEC.

The post Xogta kulan Saciid Deni uu Madaxtooyada kula yeeshay Isimida dhaqanka appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this