Sign in to follow this  
Deeq A.

Halis ay ciidanka horseed u yihiin oo ka taagan magaalada Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   
Muqdisho-3.jpg?fit=1283%2C713&ssl=1

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maalmihii u dambeeyay magaalada Muqdisho ka taagna halis cusub, taasi oo ka dhalatay masuuliyad darrada ciidanka dowladda qaarkood ee ku sugan caasimadda dalka.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa kusoo batay rasaasta wiiftada ah. Ciidanka ayaa xabado bilaa ujeeddo ah u rida jihadii ay doonan iyo saacadda ay doonan.

Markii hore falkan waa koobna wuxuuna u badnaa maalinta cad laakiin hadda sida muuqata waxay askartu bilaabeen inay habeenkii xabado iska ridan, si bilaa masuuliyad ah.

Falkan ayaa wuxuu sababay dhimasho iyo dhaawac shacab isla bishan dhexdeeda.

Maadaama ay magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ay soo galeen ciidamo fara badan, oo kala tababar iyo kala hoggaan ah, waxaa madaxda laamaha amniga Muqdisho laga raba iney arrintan masuuliyad gaar ah iska saaran.

Sidoo kale waxaa laga maarman ah in madaxda laamaha amniga caasimadda ay dabagal ku sameeyaan dhacdooyinka muuqda, si isla xisaabtanku u sahlanaado.

Amniga muwaadinku waa ajandaha koowaad, askarigii aan intaas wali fahmin, wax badan uma tari karo dalka iyo dadka, waxaana habboon in tababar kale loo diro ciidanka dhaqankan caadeystay ama la yiraahdo shaqo kale raadsada.

Si kastaba, Muqdisho oo muddooyinkii dambe ka nasatay gumaadkii kooxaha argagixisada ayaa waxaa la aqbali karin ah in askarta dowladda ay si macno darro ah u laayan shacabka loo igmaday inay sugaan amnigooda.

The post Halis ay ciidanka horseed u yihiin oo ka taagan magaalada Muqdisho appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this