Sign in to follow this  
Deeq A.

‘Xasan Sheekh in la fashiliyo ayaa la doonayay laakiin isagii ayaa is fashilinaya’

Recommended Posts

Deeq A.   
Xasan-Sheekh-3.jpeg?fit=2048%2C1365&ssl=

Hargeysa (Caasimada Online) – Eng Faysal Cali Waraabe oo ah guddoomiyaha xisbiga mucaaradka Somaliland ee Ucid ayaa ka hadlay dadaallada uu madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud ugu jiro Soomaaliya nabad ah.

Guddoomiyaha ayaa ugu horreyntii waxa uu sheegay in madaxweyne Xasan Sheekh la doonayo in la fashiliyo, gaar ahaan dagaalka uu kula jiro kooxda Al-Shabaab, kaasi oo wejigiisi hore uu marayo heer gebo-vebo ah.

Sidoo kale waxa uu sheegay in marka laga imaado dadka ku howlan fashilinta madaxweyne Xasan ee dagaalka uu isagu laftigiisu is-fashilinayo, sida uu hadalka u dhigay.

“Xasan Sheekh intaas oo jeer ayaan idhi hala caawiyo in la fashiliyo ayaa la doonaya, lsakiin isagii ayaa is fashilinaya. Ma jirto meel maanta nabad ah shantii dowladood ee ay samaysteen isma ogola, Hiiraan waad aragtay, Galmudug, Jubbaland waad aragtay,” ayuu yiri guddoomiye Faysal Cali Waraabe.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in Somaliland iyo Xasan Sheekh ay dad isku mid ah weerar kusoo qaadeen, islamarkaana ay rabaan in ay labadoodaba fashiliyaan, isaga oo sheegay in Somaliland ay is-difaacayso.

“Inaga oo intii ka xoog badan oo iska jecel oo qaladaadkeena saxnay ayaa xuduudaheena tagi doona,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay guddoomiyaha xisbiga Ucid Eng. Faysal Cali Waraabe.

Dhinaca kale, guddoomiye Waraabe ayaa sheegay in Somaliland aysan u dulqaadan doonin in Itoobiya ay maga-gelyo siiso cadowga Somaliland, xilli ay halkaasi ku sugan yihiin Salaadiin kasoo horjeeda gooni isu-taagga Somaliland.

“Dowladda Itoobiya waxaa leenahay annagu ma ogolaaneyn Amxaarada oo ku kacsan Itoobiya inta ay Hargeysa timaado ay qas ka billowdo oo ka taageerto kacdoonka, waxaa ka xunahay rag Ugaasyo iyo Garaado sheeganaya inay Addis Ababa kasoo hadlayaan oo dalkayaga qas galinayaan.”

Waxa uu intaas kusii daray “Waa in ay noo kala cadaato in aan marti-gelino mucaaradka Itoobiya iyo in kuwaas kasoo saarayaan Addis Ababa, carrada nagala soo duulayo Itoobiya, taasi ma dulqaadaneyno. Waa in dowladda Somaliland ay arrintaas cod adag ku isticmaasha.”

Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in reer Somaliland ay u mideysan yihiin difaaca qadiyadooda, islamarkaana xilligaan la joogo aanay mucaarad iyo muxaafad kala lahayn, oo ay tageyso xuduudaheeda.

The post ‘Xasan Sheekh in la fashiliyo ayaa la doonayay laakiin isagii ayaa is fashilinaya’ appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this