Sign in to follow this  
Deeq A.

SOMALILAND oo qaaday tallaabo culus kadib baaqii Ugaaska Gadabuursi

Recommended Posts

Deeq A.   
somaliland.jpg?fit=1280%2C720&ssl=1

Boorama (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa markii ugu horreysay ka hadashay baaqii maalmo kahor kasoo yeeray Ugaaska guud ee beelaha Gadabuursi, kaasi oo uga soo horjeestay gooni isu-taagga Somaliland.

Ugaas Cabdirashiid Ugaas Rooble Doodi ayaa muuqaal si weyn loogu baahiyay baraha bulshada kaga dalbaday Somaliland inay ka baxdo dhulkooda, oo ula jeedo gobollada galbeedka, gaar ahaan Awdal.

Somaliland ayaa sheegtay in hadalka kasoo yeeray Ugaaska iyo tabashada uu qaabo ay u xil saareen odayaasha dhaqanka gobolka Awdal, sida uu warbaahinta u sheegay wasiirka wasaaradda qorsheynta Somaliland Dr Axmed Buuxane.

“Ugaas Cabdirashiid waa dhaqankayagii oo xurmo ayaa u hayna, waa Ugaaskii 19-aad ee Awdal Clan yeesho,” ayuu yiri Wasiir Buuxane.

“Anaga oo siyaasiyiin ah arrintiisa kama hadli karno oo arrinkaas waxaa nagala wareegay dhaqanka Gadabuursi oo dhameystiran, oo ka howl-galaya, waxay inoo soo gudbiyaana diyaar ayaa u nahay.”

Hadalka Somaliland oo u muuqda mid hoos loogu dhigayo dhawaaqa kasoo yeeray Ugaas Cabdirashiid, ayaa waxa uu imaanaya xilli xubnaha Baarlamaanka Somaliland dhawaan madaxweynaha Somaliland u gudbiyeen lifaaq sharci oo ku saabsan tabashooyinka awood qeybsiga siyaasadeed ee ay qabaan bulshada reer Awdal.

Si kastaba, Somaliland ayaa wajaheysa culeyskii ugu xooggana xilli ay lumisay magaalada Laascaanood iyo guud ahaan gobolka Sool, oo ay himika ka arrimiyaan hoggaanka SSC-Khaatumo, oo dhawaan aqoonsi ka helay dowladda federaalka Soomaaliya.

The post SOMALILAND oo qaaday tallaabo culus kadib baaqii Ugaaska Gadabuursi appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this