Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Aadan Madoobe oo heshiis lasoo galay Mareykanka

Recommended Posts

Deeq A.   
dcd6306e-bfff-4105-910b-6713a5a8007f.jpe

Washington (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta magaalada Washington kula kulmay Guddiga Arrimaha Dibada Aqalka Golaha Wakiilada dalka Mareykanka.

Kulanka ayaa looga hadlay sidii ay xiriir iyo wadashaqeyn u yeelan lahaayeen Baarlamaanada Soomaaliya iyo Mareykanka, isla-markaana ay labada baarlamaan iska kaashadaan dhinacyada horumarka.

Guddoomiye Aadan Madoobe ayaa ka warbixiyay shaqooyinka baarlamaanka, shuruucda uu ansixiyay Baarlamaanka 11-aad, hanaanka deyn cafinta iyo dagaalka lagula jiro Khawaarijta Al-Shabaab.

Sidoo kale Guddoomiyaha ayaa ka hadlay in la fududeeyo isu socodka labada dal iyo in la abuuro xiriir ganacsi oo labada dal dhexmara.

Guddiga Arrimaha dibadda Golaha Wakiilada dalka Mareykanka ayaa Baarlamaanka Soomaaliya ku boggaadiyay dadaalada horumarineed iyo shaqooyinka hortabinta u leh hannaanka geedi socodka dowladnimadda dalka ee ay wadaan.

Guddiga ayaa balan-qaaday in Baarlamaanka Soomaaliya uu Mareykanka la sameyn doono bog cusub oo iskaashi ah.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa ugu dambeyn u mahadceliyay Golaha Wakiilada iyo guud ahaan dowlada Mareykanka taageerada joogtada ah ay siiyaan shacabka iyo dowlada Soomaaliya.

Kulamadan ayaa qeyb ka ah dadaalada uu Guddoomiyaha ugu jiro soo celinta iyo hagaajinta xiriirka wadashaqeyn uu Baarlamaanka Soomaaliya la leeyahay Baarlamaanada Aduunka.

75070ff3-fca8-4973-bef6-bfbbbd38087d.jpe 566ae7cc-2a4a-4253-818c-3e8548506329.jpe 6fe172d5-b151-4405-975a-57ccf4b4dfc7.jpe dcd6306e-bfff-4105-910b-6713a5a8007f.jpe e335f48e-a398-4269-bb31-ec04bfa32870.jpe 8e2c1e71-72f2-4b4c-b75c-671efdc0eb75.jpe cc2fde7c-238f-4c9e-9af9-26917b1d0c4a.jpe f82a8e8d-4e69-4043-81dd-d8e19e906cf7.jpe d45ba81e-df7a-4fca-9078-54ef5b167b86.jpe 67d0e0b1-194c-4db4-819a-1694667cd8c8.jpe

The post Sawirro: Aadan Madoobe oo heshiis lasoo galay Mareykanka appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this