Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Deni oo furay Kalfadhiga 53-Aad ee Baarlamaanka Puntland

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1698230592315.jpg?resize=720%2C51

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta furay Kalfadhiga 53-Aad ee Golaha Wakiillada Dowladda Puntland.

Madaxweynaha ayaa khudbadiisa Dastuuriga ah uga hadlay Waxqabadka Dowladda ee Amniga, Horumarka, Guulaha laga gaaray Dimuqraadiyadda, qorshaha dhameystirka Doorashooyinka Puntland, Guulaha laga gaaray Gobolka Sool, garab istaaga SSCKhaatumo iyo khaladaadka Dastuuriga ay ku kacayaan Madaxda Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Munaasabadda waxaa ka qeybgalay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland, Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl, Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad Golaha Wakiillada Dowladda Puntland Mudane Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan, Guddoomiye Ku-xigeenka labaad ee Golaha Wakiillada Dowladda Puntland Mudane Ismaaciil Maxamed Warsame, Goleyaasha Dowladda, Guddiga Doorashooyinka PEC, Culimada, Ururada Bulshada, Aqoonyahanka, Maamulka Gobolka Nugaal, Kan Degmada Garoowe, Taliska Booliska Puntland, Haweenka iyo dhallinyarada Puntland.

FB_IMG_1698230602984.jpg?resize=720%2C48 FB_IMG_1698230649265.jpg?resize=720%2C60 FB_IMG_1698230624924.jpg?resize=720%2C48 FB_IMG_1698230619955.jpg?resize=720%2C54 FB_IMG_1698230662952.jpg?resize=720%2C48 FB_IMG_1698230631910.jpg?resize=720%2C62 FB_IMG_1698230677356.jpg?resize=720%2C71 FB_IMG_1698230613571.jpg?resize=720%2C48

The post Madaxweyne Deni oo furay Kalfadhiga 53-Aad ee Baarlamaanka Puntland appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this