Sign in to follow this  
Deeq A.

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay sonkor suuqa gashay oo muran ka dhashay

Recommended Posts

Deeq A.   

Hay’adda Dhawrista Tayada ee Somaliland ayaa sheegtay in “Hay’addu ay u caddaynayso bulshada Somaliland in ay gacanta ku hayso baadhitaanna arrinka la xadhiidha Sonkorta dareenka dhalisay” ayaa lagu yidhi bayaan kasoo baxay hay’adda.

Sonkortan ayaa sawirrada la iskula wadaagay baraha bulshada waxaa ka muuqda in ay soo baxday bishan Oktoobar iyada oo ay dadku su’aal galiyeen sida ay kusoo gaadhay geeska Afrika iyada oo bishan gudaheeda lagu sameeyay Brasil taas oo la filayey inay bilo qaadato si ay usoo gaadho Somaliland.

“Sidaa daraaddeed waxa aanu ku wargelinaynaa in ay Hay’adda laga war sugo ilaa iyo inta ay waajibaadkeeda gudanayso” ayey kusii dartay hay’addu, hase yeeshee dadka ayaa baraha bulshada weli ku weydiinaya in lasii isticmaali karo sonkorta tan iyo inta uu baadhitaanku kasoo dhamaanayo iyo in kale.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this