Duufaan Posted November 25, 2010 Ninkii Jarmalka ahaa ee Hablaha kula Kacay Dhaqan Xumo. (Warkamaanta) November 19, 2010. “Ninbaa jira GTZ barigii hore u shaqayn jiray oo Jarmala, ninkaasi maalin dhawayd baa la qabtay sababta lagu qabtayna waxay ahayd, Hargeysa badhtankeda ayaa waxa uu ku guulaystay intuu hablaheena lacag siiyo ugu baaqo inuu yurub gaynayo. Ninkii Jarmalka ahaa ee Hablaha kula Kacay Dhaqan Xumada oo ay Culimadu ka Digtay in la Siidaayo Waxaa soo baxaya warar iyo tuhuno sheegaya in la wado sidii loo siidayn lahaa ama loo xalin lahaa xadhiga nin Jarmal ah oo loo xidhay fal lidi ku ah karaamada dhaqanka suuban ee reer somaliland iyo diinta Islaamka kazoo uu kula kacay arintan ayuu shalay si aada uga qayliyey Sheekh Aadan Qudbadii iida ee shalay. Waxaana hadaladiisa ka mid ahaa Sheekha “Ninbaa jira GTZ barigii hore u shaqayn jiray oo Jarmala, ninkaasi maalin dhawayd baa la qabtay sababta lagu qabtayna waxay ahayd, Hargeysa badhtankeda ayaa waxa uu ku guulaystay intuu hablaheena lacag siiyo ugu baaqo inuu yurub gaynayo. Meeshaa aynu janadii u haysano, oo marka uu la tunto uu sawiro iyadoo qaawan, waxaa la hayaa falaashtii ay ugu jireen Sawiradu, bal ninka gaalka ah ee maanta Jarmal ka yimi ee hargaysa ka shaqaysanaya, ee gaadhay hablaheenii oo qaawan inuu waliba sawiro ee sawiradoodii qaarna diraya qaarna halkan ku haysta iyagoo falaashtiiya la soo saaray.ee maanta hargeisa dhex lugaynayey intaas oo sanadood, ee dad badani ay ogaayeen maxaa arinkiisu noqonayaa? Isagoo ka jawaabay Su’aashaas waxa uu yidhi “waxaan ugu baaqaynaa madaxwaynaha Somaliland arintaa inaanu cidna ku halayn, ninkaasi waa in maxakamada la hor geeyo, maxakamadu wixii ay ku xukuntona waa inuu dhamaystaa, intaa markuu dhamaystana waa in far iyo suul inta lagu qaado debada loo tuuraa, waxaa lay sheegayey kaas ayey qaar difaacayaan. Hadaad difaacdo kuwa difaacayaw waxaad ogaataan ragii hablahaa dhalay way soo taagan yihiin, waa laysku dili doonaa, nabad-gelyo xumaa ka dhici doonta, waxaasoo dhan waa la asturayaa, laakiin waxaan uga digaynaa inaan ninkaa la difaacin, ninkaasi runtii wuu dhiiraday, go’aano aan loo baahnayan ayuu gaadhay.” Ayuu yidhi sheekhu. Sidoo kale waxa uu dhaliilay qaabka loo qoro shaqaalaha Hay’adaha iyo sida ay uga faa’iidaystaan baahida Dumarka waxaanu yidhi “ waxaanu kale oo aanu kula talinaynaa hay’ada dalka jooga in Somaliland hadaynu nahay dhaqankeenu wuxuu yahay ilaaliyaan, cid wal oo inoo timaada inaynu ixtiramno, inaynu soo dhawayno, in heshiiska aynu ku wada jirno aynu ilaalino, waana ta aynu kula dagaalamayno kuwaa wadaada ah ee doonaya inay dadka laayaan. inaku dadka waynu soo dhawaynaynaa laakiin waxaynu yeeli karayno maaha inay hablaheena kala door doortaan oo marka shaqo la siinayo, oo raga qaarkoodna arimahaasi ka shaqeeyaan, arin aynu aqbali karayno maaha, arrin aanu Somaliland ku taageersanahay maaha, arrin diinteena iyo dadnimadeenu aqbali karayso maaha. Waxaa sabab inoogu helaya kuwaa maanta aynu dalkeena ka difaacayno oo odhanaya xaqbaanu u leenahay inaanu Somaliland la dagaalano oo waxyaabo diinta aan ku banaanayn baa ka dhacaaya, sidaa darteed arintaa dawlada waxaanu ka codsanaynaa inay wax ka qabato, kuwa kale ee ajanabiga ah ee hawlahooda la ogayahayna waxaan leenahay dawladu inay wax ka qabato ayey tahay, wasaaradda diinta iyo awqaafta waxaan kula talinaynaa shaqadeeda inay qabsadaan, in policeka adaabta la sameeyo, lala dagaalamo in caruurteena la jaheeyo.” Source: Waaheen News, November 17, 2010 Add comment Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted November 25, 2010 this is the second topic u made about somalilands recognition , prof abdi ismacil samatar na wad hadal hayey tallow maxa jira oo so socda. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Duufaan Posted November 25, 2010 dee Aqoonsigii wuxuu idinla galay meelxun. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Duufaan Posted November 25, 2010 Road to recognition Run ahaan talaabadaas soo dhoweynta ah ee lama filaanka ahayd waxay furo u noqotay isbedelka fikradihi xumaa ay dadka Somalida ahi ka haysteen Itoobiyaanka, waxaana abuurmay is dhexgal iyo is faham labada shacbi ee Itoobiya iyo Somalida taasi oo la xusi karo in Ururkii SNM oo taageero milatari ka heli jiray Itoobiyaanku uu sabab u ahaa in uu meesha ka baxo shakigii taariikhiga ahaa ee u dhexeeyay Somalida iyo Itoobiyaanka. Xidhiidhka Itoobiya iyo Somaliland wixii ka danbeeyay 1991kii Markii xukunka laga tuuray taliskii naxariista darnaa ee uu ka talinayay Maxamed Siyaad Barre ayaa sidoo kale muddo yar ka dib waxaa meesha ka baxday xukuumadii Itoobiya ka jirtay ee uu hogaaminayay kaligii taliyihii Mingistu Xayle Maryam, waxaana is bedelkaasi uu sababay inay labadii jabhadood ee Somaliland iyo Itoobiya kala qabsaday uu mid kastaaba ku mashquulo dhibaatooyinkii cuslaa ee ka jirtay gudaha wadamadooda, manay jirin wax lagu tilmaami karo xidhiidh weyn oo u dhexeeyay Somaliland iyo Itoobiya inkastoo ay jirtay in ay si joogto ah magaalada Jigjiga iyo Harta Sheekha ay ugu kulmi jireen saraakiisha milatari ee Somaliland iyo Itoobiya. Waxay ahayd dabayaaqadii sanadkii 1995kii markii ay si rasmi ah xidhiidho balaadhan u yeeshaan Somaliland iyo Itoobiya, waxaana la dardar galiyay xoojinta dhinaca amaanka, sirdoonka, diplomaasiyada iyo ganacsiga ee u dhexeeya Somaliland iyo Itoobiya, waxaana xidhiidhkaasi uu keenay in Somaliland ay xafiis ka furato magaalada Addis-ababa halka ay itoobiyaankuna si aan rasmi ahayn ay u sii xoojinayeen imaanshahahooda Somaliland, taasoo aakhirkii dhalisay inay xafiis heer safiir joogo ay ka furtaan gudaha magaalada Hargeysa, waxaana sii balaadhay xidhiidhka ganacsi ee u dhexeeyay labada dal oo gaadhay heer ay Itoobiya isticmaasho dekeda Berbera, diyaraadaha Itoobiyaankuna ay si toos ah isaga kala gooshaan caasimadaha Hargeysa iyo Addis-ababa inkastoo ay duulimaadyadaas hakad galiyeen weerarkii fulaynimo ee Somaliland ay argagixisadu ku soo qaaday bishii Oktoobar ee sanadkii 2008. Yuu Dan u yahay Xidhiidhka Somaliland iyo Itoobiya, sideese loo sii kobcin karaa ? Somalidu waxay ku maahmaahaan “waxa umusha u dan ah ayaa ilmaha u dan ah” Waxaan shaki ku jirin in xidhiidhka ka dhaxeeya Somaliland iyo Itoobiya uu dan u yahay, labada dawladood iyo labada shacbi oo isu ah bidix iyo midig kuwaasi oo aan sinnaba u kala maarmin, waxaana hubaal ah in Itoobiya ay danteedu ku jirto Somaliland oo noqota dal quwad leh, dimuqraadi ah oo horumaray, halka ay sidoo kale danta Somaliland ay ku jirto Itoobiya oo noqota dal quwad leh oo nabdoon oo horumaray, waxaana taasi ay keeni kartaa in ay si weyn isaga kaashadaan labada shacbi dhinacyada dhaqaalaha, amaanka iyo waliba siyaasada. Waxaynu ka war haynaa in dalka Itoobiya uu yahay dal ay ku nool yihiin Sideetan Milyan oo qof oo bilaa deked ah, halka ay Somaliland ku nool yihiin saddex milyan iyo badh oo si weyn u yaqaana habka ganacsiga, waxaana muuqata in Itoobiya ay tahay suuq aad u weyn oo ganacsatada Somaliland ay ku xisaabtami karaan, isla markaasna ay badeecada dibada ka keenaana ay u iib geyn karaan dalkaas Itoobiya, halka Itoobiyaankuna ay ka faaiidaysan karaan isticmaalka dekeda Berbera. Hadaba si loo sii xoojiyo dersis wanaaga labada dal ee Somaliland iyo Itoobiya waxaa lagama maarmaan ah in xidhiidhka labada dal uu noqdo mid ku qotoma is tixgalin talantaali ah oo ka dhaxaysa labada dhinac taasoo ku dhisan faro-galin la’aan arrimaha gudaha oo aanuu dalna farogalin dalka kale arrimihiisa gudaha, kobcinta dhaqaalaha iyo xoojinta xidhiidhka amani ee labada dal u dhexeeya, waxaana lagama maarmaan ah in Itoobiyaanku ay suuqyadooda u furaan ganacsatada Somaliland si la mid ah sida ay suuqyada Somaliland ugu furan yihiin ganacsada Itoobiyaanka Ugu danbayn waxaa Dawlada Itoobiya looga fadhiyaa inay mawqif adag iska taagto dagaal cadna la gasho kooxda argagixisada ah ee la baxday SCC oo fadqalalo ka wada deegaamada Bariga Somaliland kuwaasoo waxyeelo u geysan kara amaanka labada dawladood ee Somaliland iyo Itoobiya, dhinaca Dawlada Somaliland ayaa iyagana ay waajib ku tahay inay dagaal adag la galaan ururka Argagixisada ah ee ONLF oo dhawaan isku dayay inay soo dhex maraan gudaha Somaliland iyaga oo duulimaad ku ah Itoobiya, waxaana loo baahan yahay in labada dawladood ay si talan-taalli ah isaga kaashadaan la dagaalanka kooxaha nabadiidka ah ee halista ku aha amaanka gobolka geeska afrika. Kaysar Cabdilaahi Maxamed Bristol. UK Quote Share this post Link to post Share on other sites
Duufaan Posted November 25, 2010 Road to recognition Gabadh Hargeysa Ugu Dhimatay Cudurka AIDS Oo La Waayey Cid Maydkeeda Maydha Si Loo Aaso Written by Sonyo Umbrella Sunday, 20 December 2009 (IRIN) --Gabadh dhawaan caasimadda Somaliland ee Hargeysa ugu dhimatay cudurka dilaaga ah Ee Aids-ka ayaa la waayay haweenay kali ah oo ku tabarucda in ay maydho maydka gabadhan si loo aaso. Nin magaciisa qariyay oo 40-jir ah ayaa mar uu wakaaladda wararka qaramada midoobay ee IRIN uga warramayay xaaladda inantan waxa uu yidhi: “weli dharkeedii ayaa sudhan halkii ay ku dhimatay, waayo dadku waxa ay aaminsanyihiin in ay cudurkan qaadi doonaan haddii ay taabtaan maryaheeda” ugu dambayntiina waxa maydka gabadhan maydhay koox dumar ah oo qudhoodu qabay cudurkan AIDS-ka. Wakaalada waraka ee IRIN ayaa warbixinteeda ku tidhi: “ dadka reer Somaliland inta badan waa ay ka durkaan taabashada iyo la macaamilka dadka qaba cudurkan AIDS-ka” ninka warbixintan siinayay wakaaladda IRIN oo magaciisa markii dambe warbixinta dhexdeeda lagu magacaabay Cabdilaahi Cumar laakiin aan ahayn magaciisa dhabta ah kana mid ah dadka qaba cudurka AIDS-ka ayaa yidhi: “qofkii naga mid ah ee cudurka sheegta in uu ku dhacay, waxa uu qoyskiisa kala kulmaa dayro iyo in la takooro. Waxa aan ahaa askari, markii la ogaaday in aan qabo AIDS ayaa la iga mamnuucay in aan soo galo xerada ciidanka, waxaana la iila macaamilay sidii oo aan ahay cudurka laftiisii.” Haweenay kale oo aanu magaceeda dhabta ahi sidan ahayn Aamina Cali ayaa iyana tidhi: “ubadkayaga ayaa dugsiga laga soo eryaa keliya marka la ogaado in waalidkood qabo cudurka AIDS-ka. Dhibta noocaas ah ayaanu maalin kasta la kulanaa.” Wacyi la’aan: Khubarada arrimahan la socdaa wax ay sheegaan in ceebta iyo dhibta uu bulshada kala kulmayo qofka qaba AIDS-ka sababtiisa ugu weyni tahay dadka oo jahli badani ka hayo faafitaanka cudurkan iyo ceebta kale ee ah in dad badani u fahamsanyihiin in cudurkan oo qofka ku dhacaa muujinayo fisqi iyo in uu qofkani ku kacay dhaqanno ay diidayso diinta islaamku. Sida ay sheegayso qaramada midoobay, boqolkiiba toban kali ah 10% oo ka mid ah bulshada Somaliland ayaa faham sax ah ka haysta waxa uu rasmi ahaan yahay cudurka AIDS iyo siyaabaha loo kala qaado. Siciid Axmed oo arday ka ah jaamacadda Hargeysa ayaa yidhi: “waxa aan ogahay in cudurkan lagu kala qaado burushka ilkaha lagu cadaydo oo lala wadaago qof qaba cudurkan. Laakiin hadii uu mid ka mid ah qoyskayaga uu cudurkani ku dhaco, waa arrin dabiici ah in aan ka baqo in aan ka qaado cudurkan”.Hadaba iyada oo galmadu tahay shayga ugu muhiimsan waxyaabaha lagu kala qaado cudurkan ayaanu hadana Siciid soo hadal qaadin arrintaasi, arrinta kale ee jirtaana waa in aanay dugsiyadu ardayda aqoon ku filan ka siin cudurkan. Last Updated ( Sunday, 14 February 2010 ) Quote Share this post Link to post Share on other sites
Qodax Qorax Posted November 26, 2010 to the Admin: I suggest you remove this topic for onbvious reasons. Quote Share this post Link to post Share on other sites