Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Gaaray Belgium

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Brussels ee dalka Belgium, waxaana wafdiga Madaxweynaha qeyb ka ah wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Soomalaiya Abshir Cumar Haruuse.
Madaxwaynaha ayaa u jeedka safarkiisa waxaa lagu sheegay inuu halkaas kaga qeyb geli doono shir u dhaxeeya dalalka reer Yurub iyo waddamada sookoraya, oo looga hadlaayo iskaashiga labad dhinac, madaxweynaha ayaa shirkaas ka jeedin doona khudbad uu kaga hadlaayo fursada ka jira dalkeena.
Madaxweynaha ayaa khudbadiisa sidoo kale kaga hadli doona hormarinta dhalaaha halka uu marayo barnaamijka Deyn cafinta iyo guulaha ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka ay Al-shabaab ka gaareen, iyada oo laga saaray deeganno badan, kuwaas oo badanaa dhaca Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya.
Madasha oo socon doonta inta u dhexeysa 25-26 Oktoobar 2023 ayaa waxaa isku arki doona madax kale duwan, madaxweynaha ayaa inta uu ku sugan yahay waxaa uu kulamo la qaadan doonaa madaxda kasoo qeyb galaysa shirka, kuwaas oo intoda badan xiriir la leh Soomaaliya taageerana siiya dowladda.
Shirkaan ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli wadamo badan oo caalamka oo soo koraya xilligaan ay ku qabaan dhibaato isbedelka cimilada iyo dhibaatooyinka ka dhasha abaaraha, kuwaas oo intooda badan saameyn ku yeesha bulshada gaar ahaan kuwooda reer miyiga ah ee xoolaha dhaqda ee anfacsada.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda federalka ayaa la filayaa marka uu shirkaan dib uga soo laabto inuu dib ugu laabto Dhuusamareeb, halkaas oo ka hoggaamin doono dhameystirka howlgalka wajiga koowaad ee dagaalka, xilli dhowaan Koonfur Galbeed looga dhawaaqay abaabulka iyo bilaabashada wajiga labaad.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this