Sign in to follow this  
Deeq A.

Xisbiga Jamhuuriga ah oo weli dooran la’ Af-hayeenka Aqalka Wakiilada Maraykanka

Recommended Posts

Deeq A.   
099c0000-0a00-0242-37b5-08dac83589c6_w40

Xubnaha xisbiga Jamhuuriga u matala Aqalka Wakiillada Mareykanka ayaa mar kale shalay isku dayay in ay soo magacaabaan murashax cusub oo isu soo taaga xilka Afhayeenka Aqalka.

Arrintan ayaa imaaneysa kadib marki xildhibaan Tom Emmer uu noqday musharraxii ugu danbeeyay ee dhibane u noqda khilaafka u dhaxeeya Jamhuuriyiinta Aqalka Wakiillada.

Xildhibaan Mike Johnson oo laga soo doorto gobolka Louisiana ayaa hadda hoggaanka u haya mudanayaasha raadinaya xilka afhayeenka aqalka wakiillada, kaddib marki uu 85 cod ka helay fadhi ay albaabada u xirnaayeen oo ay mudanayaasha Jamhuuriga yeesheen.

Emmer ayaysan kala caddeyn inuu ka fakan doono kala qeybsanaanta xagal-daacisay rajooyinki musharraxiinti isaga ka horreeyay ee waayay codka aqlabiyadda Aqalka.

Aqalka Wakiillada Mareykanka ayaa hoggaan la’aan ah tan iyo 3-di bishaan October, kaddib markii xilka laga tuuray afhayeenkii hore Kevin McCarthy.

PUNTLAND POST

The post Xisbiga Jamhuuriga ah oo weli dooran la’ Af-hayeenka Aqalka Wakiilada Maraykanka appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this