Sign in to follow this  
Deeq A.

Daawo: Maxamuud Sayid Aadan oo ka hadlay metelaada uu gobolka Gedo ku leeyahay Jubaland

Recommended Posts

Deeq A.   
Maxamuud-Sayid-Aadan.png?fit=768%2C512&s

Nairobi (Caasimada Online) – Madaxweyne ku xigeenka koowaad ee dowlad goboleedka Jubbaland, Mudane Maxamuud Sayid Aadan oo haatan ku sugan magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan maamulkaasi.

Maxamuud Sayid Aadan oo wareysi gaar ah siiyay Telefishinka Universal ayaa ka jawaabay su’aallo xasaasi ah oo laga waydiiyay arrinta Jubbaland, gaar ahaan waxa keenay in isaga iyo Axmed Madoobe ay muddo dheer hoggaamiyaan maamul goboleedka Jubbaland.

Wuxuu sheegay in dadka uu metelo ee dega gobolka Gedo ay baarlamaanka Jubbaland ka yihiin seddax u dhig hal meel, taasina ay ka dhigan tahay in wax xuquuq ah aysan uga maqneyn maamulka, isla markaana ay yihiin dad isisoo doorta oo ku qanacsan ka mid ahaanshaha Jubbaland, sida uu hadalka u dhigay.

Madaxweyne ku xigeenka 1-aad ee Jubbaland ayaa meesha ka saaray wararka sheegaya in ay xoog ku heystaan Jubbaland, isla-markaana aysan ogoleyn tartan furan iyo doorasho.

“Horta xoog meel baa ku heysanaa wa dhammaaday xilliigii jabhadahaa soo marnay filimkaaas waa shaqeyn waayay” ayuu yiri Maxamuud Sayid Aadan.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Cid meel xoog ku heysato ama ku qabsan karta waa la waayay taa waa laga quustay ninka hadda raadinayana waa nin wax aan jirin raadinaya”.

Waxaa kale oo uu hoosta ka xariiqay in isaga iyo Axmed Madoobe ay ku joogaan rabitaan dadweyne, ayna labadii xilli ay u dambeysay ay soo doorteen xildhibaanada Jubbaland.

“Annaga waxaan ku joognaa rabitaanka dadka reer Jubbaland horta dadka afti lagama qaadin laakiin waxay sameysteen baarlamaan 75 xubnood ah oo dhammaan deegaanada Jubbaland metalo” ayuu mar kale wareysiha ku yiri madaxweyne ku xigeenka Jubbaland.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in haatan muddo xileedkooda uu ku egyahay bisha August ee sanadka soo socda, balse aysan kaasi ku dhaqmi doonin maadaama la gaaray heshiis ku aadan doorashooyina maamul goboleedyada, si ay hal mar u wada dhacaan, wuxuuna sheegay in waqtiga rasmiga ah ee muddo xileedkooda uu noqionayo Novermber.

“Waqtigeena wuxuu ku egyahay August 24, laakiin waxaa jira heshiis ay madasha gaartay oo ah inay State-yada oo dhan hal mar doorasho ka dhacdo oo ah Novermber 2024 markaasna la mideeyo doorashada,” ayuu hadalkiis kusoo xiray Maxamuud Sayid Aadan.

The post Daawo: Maxamuud Sayid Aadan oo ka hadlay metelaada uu gobolka Gedo ku leeyahay Jubaland appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this