Sign in to follow this  
Deeq A.

QM oo xog culus ka bixisay awooda Shabaab iyo qulqulka hubka soo gala Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   
Shabaab-1-Shabab.jpeg?fit=960%2C579&ssl=

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga Qaramada Midoobey ee la socodka cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya ayaa soo saaray warbixin dheer oo ka badan boqol bog, waxayna uga hadleen xaaladda amni ee Soomaaliya.

Warbixintaan oo sanad kasta la soo saaro waxaa hadda looga hadlay dhinacyo badan, sida amniga, dagaalka Al-Shabaab iyo dowladda Soomaaliya, siyaasadda, musuqa, qul-qulka hubka iyo meelaha uu ka yimaado, sida loo maamulo hubka soo gala dalka Soomaaliya iyo qodobo kale oo xasaasi ah ayaa ku xusan warbixintaan.

Ugu horeyn sida ku cad warbixinta waxay guddigaan sheegeen in weli ay jirto khatarta Al-Shabaab, waxay xustay inay weli geesa karaan weerarro halis ah.

Sidoo kale waxaa lagu sheegay warbixinta in dowladda Soomaaliya, shacabkeeda iyo saaxiibada caalamka ay hormar ka gaareen dagaalka ay ku wiiqayaan awooda Al-Shabaab oo aad loo dhimay hadda.

Waxaa lagu cadeeyey warbixintaan in hub sharci darro ah uu weli soo galo Soomaaliya, kaas oo gaaray Al-Shabaab, sidoo kalena u gacan gala beelaha oo ku heysta gobollada dalka qaar.

Dowladda Soomaaliya ayaa lagu amaanay inay aad u xakameyso hubka ku jira gacanteeda, inkastoo ay ku dhiban tahay sidii ay dhanka hubka uga taageeri laheyd dowlad goboleedyada xubnaha ka ah, sida ku xusan warbixinta.

Kooxda Daacish ayaa lagu soo qaatay qeyb ka mid ah warbixintaan, guddigaan waxay sheegeen in Daacish ay gobolka Bari ee Puntland ka wado dhaqdhaqaaq xoog leh, inkastoo ay aad u saameysay dhimashadii Bilaal Al-Suudaani oo laga dilay bishii Janaayo ee sanadkaan.

Qeyb ka mid ah warbixintaan waxaa looga haflay dagaalkii Laascaanood, kaas oo la sheegay inuu khatar geliyey nabadda Soomaaliya, isla markaana uu saameyn culus ku yeeshay dadkii ku noolaa magaaladaas iyo hareeraheeda.

Dagaaladii Laascaanood waxay guddigaan sheegeen inay fursad siiyeen Al-Shabaab iyo Daacish, sidoo kale arrimaha doorashooyinka ayaa looga hadlay warbixintaan.

Muddo kororsiga madaxda dowlad goboleedyada iyo doorashooyinka daaha ee federaalka ayaa la sheegay inay caqabad ku yihiin inuu saldhigto nidaamka federaalka ee dalka lagu maamulo, sidoo kale dhismaha hey’adaha dowliga ah ayaa la sheegay in Soomaalidu ay aad ugu dhib qabto.

The post QM oo xog culus ka bixisay awooda Shabaab iyo qulqulka hubka soo gala Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this