Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: DF oo la timid qorshe dagaal oo cusub oo Buuloburde ay saldhig u noqa doonto

Recommended Posts

Deeq A.   
Xasan-Xamse-iyo-Mahad.aa_.jpg?fit=2048%2

Muqdisho (Caasimada Online) – Caasimada Online waxay heshay xogta qorshe culus oo dowladda Soomaaliya ay ka damacsan tahay dagaalka ay kula jirto Khawaarijta Al-Shabaab.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo maalin ka hor ka guuray Dhuusamareeb ayaa la go’aamiyey inuu dib ugu soo laabto Galmudug maalmo kadib, sidoo kale Mahad Salaad oo ku maqan dalka dibadiisa ayaa ku laabanaya Dhuusamareeb.

Sida ay xogtaan ku heshay Caasimada Online, dowladdu waxay qorsheysay in dagaalka xoogiisa loo jiheeyo dhanka duqeymaha, iyadoo la dejiyey qorshe dhameystiran.

Dowladdu waxay qorsheysay in saldhigga duqeymaha diyaaradaha laga dhigo magaalada Buuloburde ee gobolka Hiiraan, halkaas waxaa lagu rakibayaa qalabka laga hago diyaaradaha aan duuliyaha laheyn.

Hadii uu hirgalo qorshaha qalabka looga rakibayo Buuloburde, waxaa la sheegay inay u fududaa doonto in diyaaradaha dagaalka ay gaaraan ilaa koonfuta gobolka Mudug oo hadda kooxdu ay aad uga dagaalameyso.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku laabanaya furinta Galgaduud, markii uu ka soo laabto safar uu ku tegayo magaalada Brussels ee dalka Belgium, sidoo kale Taliyaha NISA Mahad Salaad oo laf-dhabar u ah qorshaha dagaal ee dalka ka socda ayaa isna aadi doona furinta.

Waxaa la dardar geli doonaa howlgallo dhanka cirka ah, waxaana si joogto ah diyaaradaha dagaalka loogu beegsa doonaa kooxda Al-Shabaab, taas oo la aaminsan yahay inay deg deg u wiiqi doonto awooda kooxda.

Waxaa la sheegay in hadda diyaaradaha ka soo kaca Muqdisho ilaa Ballidoogle ay ku egyihiin Buuloburde, markii ay soo degaan Buuloburde, waxaa fududaa doonta inay gaaraan goobaha Mudug, Galgaduud, Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe ay Shabaab ka joogaan, sidoo kale waxaa yaraa doona khasaaraha dagaalada tooska ah ka soo gaari kara ciidamada qaranka.

The post Xog: DF oo la timid qorshe dagaal oo cusub oo Buuloburde ay saldhig u noqa doonto appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this