Sign in to follow this  
Deeq A.

Hoggaamiyaha SSC-Khaatumo oo booqday Jiidda Oog

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1698178765647.jpg?resize=720%2C52

Hoggaamiyaha Maamulka SSC-Khaatumo oo ay weheliyaan Hoggaamiye Ku xigeenka Maamulka, Guddoomiyaha Golaha Dhexe, Xubno ka tirsan Golaha Fulinta iyo Golaha Dhexe ayaa maanta booqday Furimaha hore ee ciidammada Maamulka SSC-Khaatumo.

Ugu horeyn, Hoggaamiyaha ayaa salaan ka qaatay saraakiisha sare ee ciidamada SSC-Khaatumo, isagoona uga sii gudbay fadhiisimaha hore ciidammada difaaca SSC-Khaatumo.

Hoggaamiyaha ayaa ciidammada ku bogaadiyey guushii weynayd ee ay soo hooyeen, jabkii cuslaa iyo casharkii lama illaawaanka ahaa ee ay u dhigeen malayshiyaadka Soomaliland. Sidoo kale Hoggaamiyaha ayaa ciidamada u sheegay in Eebbe ka sokow iyagu yihiin sababta ay shacabka SSC-Khaatumo ugu naaloonayaan xasillooni, nabad, iyo is-maamul.

Hoggaamiyaha, ayaa ciidamada faray in ay difaaca adkeeyaan, kuna sugnaadaan halkooda, marnaba aysan weerar ku noqon cid kale. Dhanka kale Hoggaamiyaha ayaa xusay in haddii la soo weeraro ay ciidanka amar buuxa u haystaan in ay cashar kale u dhigaan cadawga, islamarkaana ku sameeyaan hub ka dhigis dhammaystiran.

Ugu danbayn, Hoggaamiyaha ayaa ciidammada kula dardaarmay in ay xoojiyaan waajibaadkooda una gutaan si ay ku jirto daacadnimo, waddaniyad iyo xaq u dirirnimo, isagoona xusay in ciiddanka SSC-Khaatumo yihiin ilaaliyeyaasha sharafta iyo midnimada reer SSC-Khaatumo.

FB_IMG_1698179265763.jpg?resize=720%2C40 FB_IMG_1698178824983.jpg?resize=720%2C40 FB_IMG_1698178819649.jpg?resize=720%2C40 FB_IMG_1698178849508.jpg?resize=720%2C92 FB_IMG_1698179255781.jpg?resize=720%2C40 FB_IMG_1698178800192.jpg?resize=720%2C40

The post Hoggaamiyaha SSC-Khaatumo oo booqday Jiidda Oog appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this