Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Shir xasaasi ah oo DF iyo maamullada uga furmay Dhuusamareeb

Recommended Posts

Deeq A.   
395077525_797285392438069_33909339040522

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud waxaa maanta ka furmay shirweyne xasaasi ah oo u dhexeeyo dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada, kaas oo looga hadlayo arrimaha caafimaadka dalka.

Shirkan oo ah kii shanaad ee caafimaadka Soomaaliya waxaa si wadajir ah u furay madaxweynaha maamulka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) iyo wasiirka caafimaadka xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Cali Xaaji Aadan.

Wuxuu shirku socon doonaan muddo laba cisho ah, ayada oo ay ka qayb-galayaan wasiiradda caafimaadka dowlad goboleedyada xubnaha ka ah dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, agaasimayaal iyo khuburo sare oo dhanka caafimaadka ah.

Mudada uu socda shirka ayaa waxaa lagu lafa guri doonaa waxa ka dhaqangalay qodobadii horey uga soo baxay shirarkii ka kala dhacay Puntland, Jubaland iyo Gobolka Banaadir, kuwaas oo aas aas u ahaa horumarinta caafimaadka iyo ka dhabeynta hiigsiga dhow ee isbadalka caafimaadka iyo daryeelka bulshada.

Sidoo kale waxaa shirka lagu soo bandhigi doonaa howlaha hortabinta leh ee horyaala wasaaraddaha caafimaadka dowlad goboleedyada iyo wixii ka qabsoomey daadejinta barnaamijka caafimaadka ee heer dowlad Goboleed.

Madasha waxaa ka hadlay madaxweyne Qoor Qoor oo sheegay  in maamulkiisa uu ka go’an yahay horumarinta caafimaadka si ay bulshaada Soomaaliyeed u hesho caafimaad dhamaystiran iyadoo laga amba qaadayo geediga horey usoo socdey ee caafimaadka.

Dhankiisa wasiir Cali Xaaji Aadan ayaa shaaca ka qaaday in wasaaradda Caafimaadka xukuumadda federaalka Soomaaliya ay la shaqeyn doonta wasaaradaha caafimaadka ee maamul goboleedayada, si bulshada u gaaro adeegga caafimaad ee ay u baahan yihiin.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in mashaariicda horyaalla wasaarada caafimaadka xukuumadda federaalka Soomaaliya la gaarsiin doono wasaaradaha dowlad goboleedya,

394550605_797285559104719_21866941300901 394674066_797290919104183_62411476725145 394746138_797285575771384_49301046639330 394748955_797285099104765_91577318683821 395077525_797285392438069_33909339040522 395077584_797285419104733_82923441254508 395082823_797285665771375_91879844836960 395082941_797285379104737_66659906265622 395108416_717642267056416_49176768145391

The post Sawirro: Shir xasaasi ah oo DF iyo maamullada uga furmay Dhuusamareeb appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this