Sign in to follow this  
Deeq A.

Dikreeto: Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Puntland iyo ku xigeenkiisa labaad oo la magacaabay

Recommended Posts

Deeq A.   
deni-s-816x542-1-1.jpg?resize=816%2C542&

Garoowe: 24 October 2023: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 47 ee 24-ta October, 2023, kuna saabsan magacaabid Taliyaha iyo Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Daraawiishta Dowladda Puntland.

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay:               Dastuurka   Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad.

Markuu arkay:               Aqoontooda, kartidooda iyo waayo-aragnimadooda
Ciidanimo.

Wuxuu xeeriyey:

1. Waxaa S/Guuto Aadan Cabdi Xaashi loo magacaabay Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Dowladda Puntland.

2. Waxaa S/Guuto Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac (Ilig) loo magacaabay Taliye Ku-xigeenka 2-aad  ee Ciidanka Daraawiishta Dowladda Puntland.

3. Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, Wuuna saxiixay.

-DHAMMAAD-

The post Dikreeto: Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Puntland iyo ku xigeenkiisa labaad oo la magacaabay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this