Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Deni oo loo sameeyay muddo kororsi dadban – Sidee wax u dhaceen?

Recommended Posts

Deeq A.   
Deni-1.jpeg?fit=2048%2C1365&ssl=1

Garoowe (Caasimada Online) – Guddiga doorashooyinka Puntland ee PEC ayaa si rasmi ah u shaaciyay jadwalka doorashada madaxtinimada Puntland ee sannadka 2024, kaasi oo muddo kororsi dadban loogu sameeyay madaxweyne Saciid Deni.

Bayaan kasoo baxay guddiga doorashooyinka Puntland ayaa waxaa lagu shaaciyay in doorashada Madaxtooyadda iyo Baarlamaanka Puntland loo asteeyay inay qabsoomto 25-ka bisha Febraayo ee sanadka soo aadan ee 2024-ka.

“Guddiga Madaxa-banana ee Doorashooyinka Puntland markuu la tashaday xisbiyada siyaasadda, bulshada rayidka ah iyo daneeyayaasha kale waxa uu go’aamiyay in doorashada Madaxtooyada iyo Golaha Wakiillada la isa-saaro hal marna la wada qabto,” ayaa lagu yiri bayaanka PEC.

Guddiga doorashooyinka Puntland ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in dib loo furay diiwaan-gelinta cod-bixiyaasha, islamarkaana la bilaabi doono dhamaadka sanadkaan, gaar ahaan bisha December.

Qabashada liistada Musharaxiinta ayaa bilaaban doonta December illaa January. Halka ololaha doorashada uu bilaaban doono February 2024-ka, maalmo kahor un waqtiga uu guddiga doorashooyinka u asteeyay doorashada isa-saaran, sida lagu sheegay jadwalka doorashada ee uu saaray guddiga PEC

Jadwalka uu soo saaray guddiga PEC ayaa muujinaya in kordhin lagu sameeyay muddo xileedka dowladda oo ku eg 8 Jan ee sannadka 2024-ka

Sidoo kale waxa uu jadwalkaan imanaya xilli uu khilaaf xooggan ka dhex aloosan yahay xukuumadda madaxweyne Deni iyo mucaaradka oo ku muransan nooca loo qabanayo doorashada madaxtinimada ee maamulkaas.

Saciid Deni ayaa dhawaan sheegay in doorashada 2024-ka lagu qaban doono nidaamka qof iyo cod, hase yeeshe waxaa taasi ka horyimid siyaasiyiinta mucaaradka oo iyagu raba in doorashada lagu galo sidii hore.

Mucaaradka ayaa walaac ka qaba in Saciid Deni uu gacan bidixeeyo doorashada qof iyo cod ama ay u noqoto marmarsiyo uu ku sameysato muddo kororsi, sida maantaba ka muuqata jadwalka kasoo baxay guddiga doorashooyinka Puntland oo Deni u sameeyay muddo kororsi dadban.

391579391_710501881123168_18625799946381

391586121_710501877789835_80547071028205

391578424_710501851123171_54806189894411

391583207_710501964456493_74941556255623

The post Madaxweyne Deni oo loo sameeyay muddo kororsi dadban – Sidee wax u dhaceen? appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this