Sign in to follow this  
Deeq A.

Yuusuf Isaaq iyo Boqol oo maanta lagu oofiyay xadkii qisaasta

Recommended Posts

Deeq A.   
395402118_797145505785391_49299219645651

Baydhabo (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee maamulka Koonfur Galbeed ayaa maanta xukun dil toogasho ah ku fuliyay laba askari oo ka kala tirsanaa ciidamada booliska iyo xoogga dalka, kuwaasi oo horay dilal u gaystay.

Labada askari ee tiirka la geeyay ayaa lagu kala magacaaba Yuusuf Isaaq Nuur Aadan iyo Aadan Maxamed Xasan Ibraahim (Boqol), waxaana horay xukunno dil ah oo ah qisaasta marxuumiinta ay dileen ugu ridday Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida.

Ex-Dable xoogga Yuusuf Isaaq Nuur Aadan ayaa maanta magaalada Baydhaba loogu oofiyay qisaasta marxuum Mustaf Xaaji Xasan Madkuus oo uu dilay kadibna uu Ceel ku riday si aan loo arkin meydkiisa.

Sidoo kale, Ex-Dable Boolis Aadan Maxamed Xasan Ibraahim (Boqol) ayaa isna loo toogtay dilka Sheekh Cali Ahmed oo ahaa wayeel 65 jir ah.

Dilka Sheekh Cali ayaa yimid kadib markii marxuumka uu isku dayay in uu dilaaga ka waaniyo isbaaro u taalay gudaha Xaafad ku taalla magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee maamulka Koonfur Galbeed.

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa horay sidaan oo kale toogasho ugu fulisay askar iyo xubno ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab oo lagu Maxkamadeeyay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

The post Yuusuf Isaaq iyo Boqol oo maanta lagu oofiyay xadkii qisaasta appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this