Sign in to follow this  
Deeq A.

Dagaalka dhaqaale ee Al-Shabaab oo saameyn weyn ku yeeshay ganacsiga XAMAR

Recommended Posts

Deeq A.   
Muqdisho.jpg?fit=1080%2C810&ssl=1

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho dadka waxay ka cabanayaan dhaqaale xumo, halka lacag malaayiin dollar ah oo ay argagixisada leedahay ay sanado badan kamid aheyd lacagaha wareega ee yaalla caasimada.

Kooxda ayaa ku jirtay ganacsiyada dhulka, dhoofka iyo soo dejinta badeecadaha kala duwan, dhismayaasha dabayaqada casriga ah, kirada hoteellada, iibka gaadiidka iyo ganacsiyo kale.

Dowladda waxay sheegtay asbuucan in 150 Milyan dollar oo lacag ah laga xayiray argagixisada, iyada oo sidoo kale la xiray 350 akoon oo ay argagixisada ku laheyd bangiyada kala duwan ee dalka.

Lacagta 150 Milyan ee ay dowladda ka xayirtay argagixisada ama ka hor istaagtay waa inta la arkay, laakiin waxaa soo baxaya inay jiraan lacago intaan ka badan oo kooxda loogu shaqeynayay oo istaagay, markii dowladda ku qaaday dagaalka dhaqaale ee rasmiga ah.

Marka Muqdisho la eego markii 150 Milyan la xayiro, 150 kalena laga yaabo inay iyagu la cabsadeen oo ay joojiyeen ku shaqeynteeda ama ay baxsadeen kuwii ku shaqeynayay, waa wax la filan karey in la dareemo saameynta lacagtaasi xooggan ee wareegi jirtay in hal mar istaagtay ay ku yeelan karto suuqyada.

Waxay tani caddeyn u tahay sida argagixisada u dhex gashay dhiigga ganacsatada Muqdisho, kuwaasi oo lacagtii iyaga laga dhacay ama qaar saaxiibadood ah laga dishay dib loogu dhiibtay si ay ugu shaqeeyaan.

Kooxaha argagixisada waxaa la sheega inay dulsaar siin jirtay dadka ugu shaqeeya lacagaha ay ka dhaceen shacabka Soomaaliyeed.

Lacagta argagixisada ka dhacday shacabka Soomaaliyeed ee xayiran ama weli Xamar lagu dhex qarinayo waa inay dowladda u sameeysa qorshe gaar ah, dadka dhaqaalaha caasimadda maamullana waa inay isku diyaariyaan kobac dhaqaale oo ay argagixisada ka madhan tahay, ayay leeyihiin dadka ka faalloonaya mawduucan.

Waa adag tahay in dalkaan halkiisi hore lagu sii hayo oo ay argagixisada sidii umadda caadiga ah saameyn weyn ugu yeelato ganacsiga dalka.

Sida ay hore u sheegeen laamaha amniga ee dowladda federaalka ah waxaa xiran xubno badan oo argagixisada lacago u kala wareejiyay, oo dadkaasi umadda Soomaaliyeed leynaya kala macaamilay wax dhaqaale ku saabsan.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hore u soo saaray amar uu ku mamnuucayo in wax dhaqaale ah lagala macaamilo argagixisada.

Tan iyo xilligaas kooxda waxay wajahday dhaqaale xumadii ugu weyneyd tan iyo 2009-kii sida ay warinayaan dadka daraaseeya xaaladaha argagixisada ka dagaalanta Soomaaliya.

Dadka Soomaalida ayaa badi si weyn u bogaadiyay burburinta dhaqaale ee ay dowladda ku wado argagixisada.

Dowladda federaalka ah waxaa sidoo kale laga rabaa inay abuurto jawi dib u kobciya suuqa oo wax ka beddela xaaladda ganacsiga iyo hal abuur dadku kaga soo kaban karaan saameynta dhaqaale ee ka dhalatay dagaalka dhaqaale ee lagu qaaday kooxaha argagixisada.

Waxa kale oo muhiim ah inay dowladda curiso qaab aanay markale argagixisada saameyn ugu yeelan karin ganacsiyada Muqdisho.

The post Dagaalka dhaqaale ee Al-Shabaab oo saameyn weyn ku yeeshay ganacsiga XAMAR appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this