Sign in to follow this  
Deeq A.

Mucaaradka PUNTLAND oo qaadacay go’aannadii guddiga doorashooyinka + Video

Recommended Posts

Deeq A.   
Dallad.jpg?fit=2048%2C1365&ssl=1

Garoowe (Caasimada Online) – Xubnaha mucaaradka Puntland oo maanta shir deg-deg ah ku yeeshay magaalada Garoowe, kadib go’aannadii kasoo baxay guddiga doorashada maamulkaasi ayaa caddeeyay mowqifkooda ku aadan jadwalka doorashada ee la shaaciyay.

Dallada mucaaradka Puntland oo warsaxaafadeed kasoo saartay shirkaas ayaa waxaa lagu sheegay inay horay uga digeen tallaabada la qaaday iyo muddo kororsiga Saciid Deni.

“Dalladu waxa ay horay uga digtay damaca madaxweyne Saciid Cabdullahi Deni oo ah muddo kororsi aan sharci aheyn, ayada oo uu dhammaan baalmaray heshiisyadii bulsho ee dowladda Puntland” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka ay soo saareen xubnaha mucaaradka.

Mucaaradka ayaa gebi ahaan qaadacay go’aanada uu soo saaray guddiga doorashada PEC oo xalay ku dhawaaqay jadwal doorasho oo muran xoogan dhaliyay.

Xubnaha mucaaradka ee ku mideysan Dalladan ayaa waxa ay nasiib darro ku tilmaameen arrintan iyagoo shaaciyay in jadwalka uu dhaafsiisan yahay mudo xileedka madaxweynaha, uuna keeni karo muddo kororsi aan dhammaad laheyn, sida ay hadlaka u dhigeen.

“Waxay dalladu nasiib darro u aragtaa, iyadoon heshiis lagu ahayn doorasho la’isla ogol yahay in beeg uu madaxweyne Saciid Cabdullahi Deni ku dhisay si baalmarsan dastuurka dowladda Puntland ay soo saarto jadwal doorasho oo dhaafsiisan muddo xileedka hay’adaha dowladda, taas oo ay dalladdu u aragto muddo kororsi aan dhammaad laheyn” ayaa mar kale lagu yiri qoraalka ay soo saartay Dallada Mucaaradka Puntland.

Sidoo kale waxa ay dalab culus u direen Isimada Puntland iyo waxgaradka deegaanka, iyaga oo ugu baaqay inay meel uga soo wada jeestaan Deni, si looga hortago qorshihiisa.

“Haddaba Dalladu waxa ay ugu baaqeysaa Isimada Puntland iyo waxgaradka kale in meel looga soo wada jeesto madaxweynaha xilligiisa dhammaadka yahay ee Saciid Cabdullahi Deni oo doonaya in Puntland burburiyo kuna gorgortamo nabadda iyo xasiloonida ay dadka reer Puntland haystaan” ayaa lagu soo gabagabeeyay warsaxaafadeedka mucaaradka.

Jawaabta mucaaradka ayaa timid, ayada oo xalay guddiga doorashada Puntland uu ku dhawaaqday jadwal xasaasiyad dhaliyay, kaas oo lagu sheegay in doorashada waqtigeeda laga dhigay 25-ka bisha labaad ee sanadka soo socda, taasoo ka dhigan in doorashadii dhici lahayd siddeeda January 2024 meesha laga saaray, taas oo ay diideen mucaaradka.

Si kastaba, lama oga sida ay arrintu dhaqan doonto, waxaase haatan laga war dhowrayaa mowqifka Isimada Puntland oo iyaguna haatan shirweyne ku leh magaalada Garoowe.

The post Mucaaradka PUNTLAND oo qaadacay go’aannadii guddiga doorashooyinka + Video appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this