Sign in to follow this  
Deeq A.

Mucaaradka Puntland oo gebi ahaanba ka horyimid mudda kordhinta guddiga PEC u sameeyay dowladda

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1698140179520.jpg?resize=720%2C48

Dallada ay ku midaysan yihiin mucaaradka Puntland ayaa caddeeyay mowqifkooda ku aaddan Jadwalkii mudda kordhinta dowladda ee uu shaaciyay guddiga doorashada Puntland ee PEC.

Guddiga PEC oo qaabilsan hirgelinta nidaamka qof iyo cod ayaa xalay sheegay in doorashada Baarlamanka iyo madaxtooyada loo asteeyay in ay qabsoonto 25 Feb ee sannadka 2024, taas oo ka dhigan in mudda kordhin loo sameeyay dowladda.

Haddaba, dallada ay ku midaysan yihiin mucaaradka oo maanta shir ku yeeshay Garoowe ayaa gebi ahaanba ka horyimid, islamarkaana sharci-darro ku tilmaamay mudda kordhinta uu guddiga doorashada ee PEC u sameeyay dowladda.

Dallada mucaaradka ayaa ka digtay in tallaabadan ay horseedi karto qalalaase siyaasadeed iyo mid amni oo Puntland ka dhaca, waxaana ay mas’uuliyadda wixii ka yimaada dusha ka saareen madaxweynaha mudda xileedkiisu gabaabsiga yahay ee Siciid Deni.

Mucaaradka ayaa ugu baaqay hoggaanka dhaqanka iyo dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshada Puntland in meel looga soo wada jeesto damaca mudda kororsiga ee madaxweyne Deni, si dalka looga badbaadiyo qalalaase siyaasadeed iyo mid amni.

FB_IMG_1698137700806.jpg?resize=720%2C10 FB_IMG_1698137705230.jpg?resize=702%2C63

PUNTLAND POST

The post Mucaaradka Puntland oo gebi ahaanba ka horyimid mudda kordhinta guddiga PEC u sameeyay dowladda appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this