Sign in to follow this  
Deeq A.

Agaàsimàha Wasaaradda Maalgashiga oo Kula Kulmay Nairobi Masuuliyiin ka Tirsan QM

Recommended Posts

Deeq A.   

Agaàsimàha Wasaaradda Maalgashiga oo Kula Kulmay Nairobi Masuuliyiin ka Tirsan QM
IMG-20231023-WA0007.jpg

Nairobi(Qaran news)-Wefti uu hogaaminaayo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga iyo Warshadaha Mudane Maxamed Cisman Siciid ayaa maanta kulan kula qaatay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya Haay’adda caalamiga ah ee UNIDO oo Horumarinta Warshadaha u qaabilsan qaramada midoobay.

Kulankan oo agaasimaha guud ay ku wehelinayeen Safiirka Somaliland u fadhiya dalka Kenya iyo agaasime waaxeedada Wasaaradda gaar ahaan agaasimaha waaxda Horumarinta Warshadaha ayaa waxa lagu lafoguray sidii Haay’adda UNIDO uga qayb qaadan lahayd Horumarinta warshadaha dalka isla markaana dalka uga fulin lahaayeen mashaariic iyo daraasaddo khuseeya horumarinta Warshadaha.

Kulankaas ayaa la iskula qaatay qodobo muhiima iyo sidii loosii wadi lahaa dadaalka iyo wada shaqaynta labada dhinac.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this