Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddiga doorashada Puntland oo mudda kororsi u sameeyay dowladda

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1698100674044.jpg?resize=720%2C48

Guddiga doorashada Puntland ee PEC ayaa si rasmi ah u shaaciyay jadwalka doorashada madaxtinimada Puntland ee sannadka 2024.

War-saxaafadeed ka soo baxay guddiga PEC ayaa lagu caddeeyay in doorashada madaxtooyada iyo Baarlamanka Puntland loo asteeyay in ay qabsoonto 25 bisha Feb, 2024.

Guddiga doorashada Puntland ayaa sheegay in dib loo furay diiwaan-gelinta cod-bixiyaasha, islamarkaana la bilaabi doono bisha December ee sannadkan 2023.

Jadwalka uu soo saaray guddiga PEC ayaa muujinaya in kordhin lagu sameeyay mudda xileedka dowladda oo ku eg 8 Jan ee sannadka 2024.

Jadwalka ayaa sidoo kale imaamaya xilli uu khilaaf xooggan ka dhex aloosan yahay xukuumadda madaxweyne Deni iyo mucaaradka oo ku muransan nooca loo qabanayo doorashada.

Madaxweyne Siciid Deni ayaa dhawaan sheegay in doorashada 2024 lagu qaban doono nidaamka qof iyo cod, waxaase go’aankiisa ka horyimid mucaaradka oo raba in lagu galo sidii hore.

FB_IMG_1698093594115.jpg?resize=720%2C10 FB_IMG_1698093600403.jpg?resize=720%2C10 FB_IMG_1698093605219.jpg?resize=720%2C10 FB_IMG_1698093610255.jpg?resize=720%2C10

PUNTLAND POST

The post Guddiga doorashada Puntland oo mudda kororsi u sameeyay dowladda appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this