Sign in to follow this  
Deeq A.

Daawo Wasiir FIQI: Dowladdu wax idin meerin mayso ee ha lala shirkoobo

Recommended Posts

Deeq A.   
fiqi-axmed.jpg?fit=2048%2C1365&ssl=1

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Axmed Macallin Fiqi ayaa shaaciyay in dowladda hadda jirta ee uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh ay kaalin muhiim siisay bulshada rayidka.

Wasiir Fiqi oo ka hadlayay shirka adkeynta iskaashiga bulshada rayidka ayaa waxa uu sheegay in kaalintii bulshada rayidka oo meesha ay ka saartay dowladdii hore himika dib loo soo celiyay, ayna dowladda diyaar u tahay in lala shirkoobo, sida uu hadalka u dhigay.

“Haddii horey dowladdu u ahayd mid wax u meerisa dadka, maanta (dowladda Xasan) waxa ay ogoshahay in la shirkoobo oo la is kaashado, bulshada rayidka ah waa u muhiim dowladnimada,” ayuu yiri wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya.

Waxa uu intaas kusii daray “Dhaqaale ka badan miisaaniyada dowladda ayay runtii maamulaan (bulshada rayidka), wuxuu u baahan yahay dhaqaalahaas in la nidaamiyo, ayada oo aan fara-gelin lagu sameynayn.”

Sidoo kale waxa uu sheegay in dowladda ay bulshada rayidka u fududeyn doonto adeegyada dowladda, si labada dhinac ay u yeeshaan shuraako xooggan.

“Waxaa halkaan u badan ururada ka shaqeeya dowlad dhiska, kuwa ka shaqeeya nabadda iyo dib u heshiisiinta, kuwa ka shaqeeya soo dabaalida xasilinta, kuwa dowladaha hoose horumarka iyo hanaanka dimuqraadiyeynta iyo doorashooyinka dalka, intaas oo dhan ayaa halkan ku mideysan oo waxaana rabnaa wada-shaqeyn caafimaad qabta oo labada dhinac la is ixtiraamayo.”

Ururrada bulshada rayidka ayuu wasiirka tilmaamay in ay la kulmeen duruufo kala duwan sida, colaado, nabadgeylo-xumo, barakac, gaajo iyo quluubta bulshada oo kala durugtey, taasi oo sabab u noqotey is aaminaad daro cabsi iyo kala shaki saameyey dhamaan qeybaha bulshada iyo dowladnimada.

“Waxaa dhanka kale socdey dadaalo xoogan oo lama ilaawan ah oo ay hormuud u ahaayen jilaayayasha aan dowloga aheyn ‘ururada maxaliga ah iyo kuwa bulshada rayidka’ kuwaa oo door muuqda ka qaatey samata bixinta bulshada intii lagu jirey burburkii colaadihii sokeeye.”

“Hadaba Madashan curdunka ah ee maanta, ee dowlada iyo bulshada rayidka ah waxaa ay caddeyn u tahay niyadda Dowlada soomaaliya oo aan lee leexad iyo ka laba labeyn laheyn wadashaqeynta bulshada rayidka ah” ayaa ka mid ahaa khudbadda Wasiirka.”

Shirka ururrada bulshada rayidka iyo hay’adaha dowladda ee 2023 oo uu maanta wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta XFS ka daah-furay magaalada Muqdisho ayaa waxaa goobjoog ka ahaa wasaaradaha xukuumadda federaalka ah, ururrada bulshada rayidka ah iyo beesha caalamka.

Hoos ka daawo muuqaalka

The post Daawo Wasiir FIQI: Dowladdu wax idin meerin mayso ee ha lala shirkoobo appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this