Sign in to follow this  
Deeq A.

Daawo: Booliska DF oo qaaday tallaabo culus oo lagu joojinayo colaada Sh/Dhexe

Recommended Posts

Deeq A.   
booliska.jpeg?fit=2048%2C1365&ssl=1

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska ciidanka booliska Soomaaliyeed ayaa galabta shaaciyey in ciidamo kala dhexgala loo diray beelaha maalmihii lasoo dhaafay ku dagaalmaayey qeybo ka tirsan gobolka Shabeellada Dhexe.

Afhayeenka ciidanka booliska Soomaaliyeed Sadiiq Doodishe oo galabta shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay in ciidamo Daraawiish ah oo ka tirsan taliska booliska loo diray joojinta dagaal beeleedka ka socda Sh/Dhexe.

“Booliska federaalka iyo kan HirShabeelle ayaa ku baxay joojinta colaada gobolka Shabeellada Dhexe ka socota, waajibka naga saaran joojinta colaadaas waa in la kala dhex galo dadka dagaalamaya, waxaana ku guuleysanay inaan ciidamo kala dhex dhigno,” ayuu yiri afhayeenka booliska.

Wuxuu intaas ku sii daray, “Dib u heshiisiinta dadkaas waxaa u xil saaran dhaqanka, culimada iyo siyaasiyiinta deegaanka, howshaasi waa socota, waxaana rajo ka qabnaa in lagu guuleysto xalinta colaadaas.”

Dagaal beeleedkii ugu cuslaa oo aad looga xumaaday dadka is dilaya oo xigto dhow ah ayaa maalmahaan ka socda aagga degmada Cadale ee gobolka Sh/Dhexe.

Beelaha dagaalamaya oo la yiraahdo ilma Caroone, ayaa ka dhashay Harti-Abgaal, waa labo jifo oo walaalo ah, waxayna isku geysteen gabood-fallo culus, dad badan ayey iska dileen, guryo iyo hanti kale ayey iska gubeen, sidoo kale meelaha qaar waxaa laga soo sheegay in gabdho lagu kufsaday.

Maalin ka hor Imaamka Mudullood Imaam Maxamed Yuusuf ayaa sheegay in dhaqanka Mudullood ay ku adkaatay inay joojiyaan colaadaas, isagoo Maxaxweyne Xasan Sheekh ka dalbaday inuu ka yimaado Galmudug oo kala celiyo tolkiis oo dagaalamaya.

Sida ay xog ku heshay Caasimada Online, Madaxweyne Xasan Sheekh oo dalabka dhaqanka Mudulood ka jawaabaya ayaa amray taliska booliska Soomaaliyeed in ciidan kala dhex gala loo diro dhinacyada dagaalamaya, maadaama ciidankii xoogga dalka uu dagaalka kula jiro kooxda Al-Shabaab.

Hoos ka daawo afhayeenka booliska

The post Daawo: Booliska DF oo qaaday tallaabo culus oo lagu joojinayo colaada Sh/Dhexe appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this