Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: ATMIS oo la siiyay diyaarado Helicopter ah oo qeyb ka noqonaya dagaalka

Recommended Posts

Deeq A.   
F83wperXsAAXTwM.jpeg?fit=2048%2C1365&ssl

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada ATMIS (ex-AMISOM), gaar ahaan kuwa dalka Burundi ee ku sugan Soomaaliya ayaa diyaarado Helicopter ah ka helay Qaramada Midoobay.

Xafiiska taageerada QM ee Soomaaliya (UNSOS) ayaa ciidankaas ku wareejiyay saddex diyaaradood oo nooca Helicopter ah, kuwaasi oo kaalin muhiim ah ka qaadan doona dagaalka kooxda Al-Shabaab ka dhanka ah.

Bayaan kasoo baxay xafiiska taageerada QM ee Soomaaliya (UNSOS) ayaa lagu shaaciyay in diyaaradahan oo ah kuwa qumaatiga u kaca ay iskugu jiraan nooca Mi-8 iyo Bell 412.

Sidoo kale waxaa bayaanka lagu muujiyay muhiimadda ay diyaaradahan u leeyihiin xoojinta howl-gallada ATMIS ee Soomaaliya, iyo weliba si gaar ahaaneed kaalmadood dagaalka lagula jiro kooxaha argagixisada.

“Waxay awood u siin doonaan qaadista ciidamada, si deg deg ah u soo celinta agabyada muhiimka ah iyo daad-gureynta agabka caafimaad ee loo daad-gureynayo jiidaha hore ee dagaalka,” ayaa lagu yiri bayaanka UNSOS, oo ay ku baahisay barteeda shabakadda X (ex-Twitter).

Waxaa intaas lagu sii daray “UNSOS waxaa ka go’an bixinta taageerada saadka ee muhiimka ah iyo fududaynta ATMIS, iyada oo wada-shaqeyn dhow la yeelaneysa ciifamada ammaanka Soomaaliya (SSF).”

Taageerada UNSOS ayaa ujeedkeeda lagu sheegay in ciidanka ATMIS ay ka caawinayso in ay si hufan u gudato waajibaadkeeda Soomaaliya, waxaana ay kusoo asdeysa ka gadaal markii Midowga Afrika uu aqbalay in sagaashan maalmood la hakiyo qorshaha bixitaanka ciidamada nabad ilaalinta ku jooga Soomaaliya ee ATMIS (ex-AMISOM).

“UNSOS waxay sii waddaa bixinta taageerada saadka ee muhiimka ah waxayna fududaynaysaa ATMIS si dhow iyo iskaashi wadajir ah oo ay la leedahay SSF si ay u fuliso waajibaadkeeda Soomaaliya.”

Sidoo kale waxaa xusid mudan in dowladda Soomaaliya oo ku jirta dagaal Al-Shabaab ka dhan ah ay hore u heshay diyaaradaha Helicopter-ka ee Bell 412, si ay u kordhiso awoodda ciidanka xoogga dalka ee dagaalka ku jira.

Si kastaba, wejiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab ayaa dhawaan bilaaban doona, kadib marka uu soo idlaado wejiga hore ee dagaalka oo hadda dhameystirkiisa uu ka socda gobollada dhexe, si loo guda-galo wejiga xiga oo ay qeyb ka noqonayaan ciidamo ka socda dalalka deriska.

F83wjjzX0AALLx7.jpeg?resize=696%2C464&ss

F83wlGWWkAAgP9w.jpeg?resize=696%2C464&ss

F83wm5mXAAAmBZ3.jpeg?resize=696%2C464&ss

F83wperXsAAXTwM.jpeg?resize=696%2C464&ss

The post Sawirro: ATMIS oo la siiyay diyaarado Helicopter ah oo qeyb ka noqonaya dagaalka appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this