Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Wasiir Khadiija oo la guddoonsiiyey abaal-marinta ugu sarreysa JABUUTI

Recommended Posts

Deeq A.   
391667098_879151146905377_70486946370719

Jabuuti (Caasimada Online) – Wasiirka Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Marwo Khadiija Maxamed Diiriye ayaa maanta la guddoonsiiyey abaalmarinta ugu sarreysa dalka Jabuuti.

Munaasabad ka dhacday dalka Jabuuti oo ay goobjoog ka ahaayeen qaar kamid ah haweenka dalkaas ayaa wasiirka waxaa abaalmarinta guddoonsiiyay ra’iisul wasaaraha dalka Jabuuti Mudane Cabduqaadir Kaamil Maxamed.

Abaalmarintan ayaa waxaa ku saxiixan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle.

Marwo Khadiija Maxamed Diiriye oo warbaahinta la hadashay ayaa ugu mahad-celisay dowladda Jabuuti gaar ahaan Madaxweynaha Jabuuti mudane Ismaaciil Cumar Geelle iyo Xukuumaddiisa.

“Wax weyn ayaa maanta dalkayga iyo dadkayga ku kordhay. Waan uga mahad-celinayaa ra’iisul wasaaraha iyo xukuumadda Jamhuuriyadda Jabuuti. Sidoo kale waxaan uga mahadcelinaya Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti oo aan hubo in ogolaanshihiisa la’aanteed abaalmarintaan qaran la bixiyeen.”

Wasiirka Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Marwo Khadiija Maxamed Diiriye iyo wafdi ay hoggaamineyso ayaa maalmihii dambe howl shaqo u joogay dalka Jabuuti.

391667098_879151146905377_70486946370719

394280128_879151256905366_57287296693361

394030509_879151276905364_80197488745786

394258945_879151283572030_14791170707897

394251717_879151156905376_43092339741036

391676114_879151246905367_76709100867852

The post Sawirro: Wasiir Khadiija oo la guddoonsiiyey abaal-marinta ugu sarreysa JABUUTI appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this