Sign in to follow this  
Deeq A.

Taliyaha Booliska Puntland oo qaabilay madax ka socotay UNSOM iyo SWeden

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1698066367648.jpg?resize=720%2C54

Taliyaha Ciidanka Booliska dowladda Puntland S/Guuto Muumin Cabdi Shire ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay madax ka socotay dowladda Sweden iyo hay’adda UNSOM.

Qoraal ka soo baxay Taliska Booliska Puntland ayaa looga warbixiyay Kulanka dhexmaray S/Guuto Muumin Cabdi Shire iyo madaxda ka socotay dowladda Sweden iyo hay’adda UNSOM.

“Kulanka ayaa looga hadlay hawlaha horumarinta Boliiska gaar ahaan CID, sida Money laundering, Cyper Crimes, iyo hawlaha operationka Boliiska” ayaa lagu yiri Qoraalkaas.

Shirka waxaa ka qaybgalay Taliye Ku xigeenka Ciidanka Booliska, Hogaanka Tababarka, (Philip nateka) iyo (Yohan) oo ah lataliyaal arimaha Boliiska ee hay’ada UNSOM IYO AAMINO ABDI OO AH LATALIYAHA ARIMAHA JINSIGA EE UNSOM.

Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland Sarreeye Guuto Mumin Cabdi Shire ayaa mas’uuliyiinta la wadaagay hormarka Ciidanka Booliska Puntland ay gaareen Sanadkii lasoo dhaafay iyo Hiigsigooda Mustaqbalka.

FB_IMG_1698066381717.jpg?resize=720%2C54 FB_IMG_1698066350375.jpg?resize=720%2C54 FB_IMG_1698066356160.jpg?resize=720%2C96 FB_IMG_1698066346606.jpg?resize=720%2C54 FB_IMG_1698066339648-1.jpg?resize=720%2C

PUNTLAND POST

The post Taliyaha Booliska Puntland oo qaabilay madax ka socotay UNSOM iyo SWeden appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this