Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxkamadda Ciidamada Jubaland oo xukun dil ah ridday

Recommended Posts

Deeq A.   
IMG-20231023-WA0009.jpg?resize=592%2C395

Maxkamadda ciidamadaJubbaland ayaa maanta xukun dil toogasho ah ku xukuntay nin lagu helay in uu hore dil uga geystay magaalada Kismaayo.

Gacan ku dhiigle Maxamed Cabdullaahi Siciid (Maxamed Khadar) oo ka tirsanaa ciidanka Jubbaland ayaa horay u dilay AUN Maxamed Deeq Nuune Saalax taariikhdu markay ahayd lixdii Bishii Tobnaad ee sanadkii 2022-kii.

Maxkamadda Ciidamada Jubbaland ayaa dhagaystay dhowr mar oo kala duwan garmaqalka kiiskan maanta xukunkiisa ay ku dhawaaqday.

G/Dhexe Bashiir Maxamuud Xareed (Qam-dariiran) Guddoomiye ku xigeenka Maxkamadda Ciidamada Jubbaland ayaa ku dhawaaqay xukunka.

PUNTLAND POST

The post Maxkamadda Ciidamada Jubaland oo xukun dil ah ridday appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this