Sign in to follow this  
Deeq A.

Wararkii ugu dambeeyay shirka Isimada Puntland uga socda Garoowe + Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   
391729168_728765402614111_40232639516646

Garoowe (Caasimada Online) – Magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal waxaa haatan ka socda shirweyne ay leeyihiin Isimada Dhaqanka Puntland, kaas oo galay maalintii labaad oo xiriir ah, ayada oo looga hadlayo xaaladda cakiran ee maamulkaasi.

Kulankan ayaa waxaa guddoominaya Boqor Burhaan Boqor Muuse, ayada oo ay inta badan goobjoog yiihiin Isimada Puntland oo door weyn ku leh dhismaha maamulkaasi.

Inta badan waxaa shirka looga hadlayaa sidii xal loogu heli lahaa khilaafka ka taagan doorashada Puntland oo ay isku hayaan mucaaradka iyo xukuumadda Saciid Deni.

Isimada ayaa wax iska weydiin doono khilaafka ka taagan doorashada, si looga gudbo xaaladda hubanti la’aanta ah ee hadda ka taagan dowlad goboleedka Puntland.

Shirkan ayaa la filayaa in Isimadu ay kasoo saaraan go’aanno ku aadan sida loo wajahayo arrinta taagan, loona qaban lahaa doorasho ay ku qanacsan yihiin dhinacyada oo dhan.

Suldaan Siciid Maxamed Garaase oo la hadlay warbaahinta ayaa shaaca ka qaaday inay xal kasoo saari doonaan muranka ka taagan doorashada Puntland, isla-markaana ay si daacadnimo oo dhexdhexaad ah u falanqeyn doonaan arrimaha waa weyn ee la isku hayo.

Horay xubnahamucaaradka ayaa ugu baaqay Isimada in ay soo fara galiyaan xaaladda siyaasadeed ee Puntland, si looga hortago qalalaase iyo gacan ka hadal ka dhaca Garoowe.

Puntland ayaa waxaa haatan ka taagan xaalad cakiran, ayada oo dhaq-dhaqaaqyo laga dareemaya magaalada Garoowe oo ay ciidamo ku haystaan labada dhinac, maadaama ay horay ugu dagaalameen magaaladaas oo caasimada u ah maamul goboleedka Puntland.

391729168_728765402614111_40232639516646 393953459_728765435947441_32885989879441 394342805_728765205947464_13564143645153 394452139_728765329280785_68008534206732 394457961_728764905947494_57119989853271 395525052_728765395947445_38874837763302 Burhan.jpg?resize=696%2C464&ssl=1

The post Wararkii ugu dambeeyay shirka Isimada Puntland uga socda Garoowe + Sawirro appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this