Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somaliland police capture weaponry explosive devices + pressconference Pics

Recommended Posts

Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Oo Walxihii Ay Dhawaan Ciidanka Amaanku Ku Qabteen Magaalooyinka Hargeysa, Burco iyo Berbera Ku Eedeeyey In Ay Ka Dambeeyaan Kooxda Al-Shabaab.

 

 

Hargeysa(Ramaas) Okt.03, 2010 - Taliyaha Guud ee Ciidanka Booliska Somaliland Cilmi Rooble Furre [Cilmi-kabaal], ayaa faahfaahin dheeraad ka bixiyey hawlgalo ay ciidanka amaanku ka fuliyeen magaalooyinka waaweyn ee Somaliland, gaar ahaan magaalooyinka Hargeysa, Burco iyo Berbera oo ay ku soo qabteen hub iyo walxaha qarxa, hawlgaladaas iyo waliba cidda ay ku eedaynayaan in ay ka dambeeyaan dhibaatooyinkaas qaraxa-yada ahaa ee la damacsanaa in laga fuliyo magaalooyinka Somaliland.

 

 

Cilmi Kabaal, wuxuu sheegay in ay dhibaatooyinka ka dambeeyaan kooxda Al-Shabaab oo gacan ka helaysa dad Somalilander ah oo ku sugan dalka gudihiisa, taas oo uu tilmaamay inay doonayaan inay burburiyaan nabadda iyo xasiloonida ka jirta.

 

 

Taliyuhu waxa uu sidan ku sheegay waraysi uu amuurtan kaga waramayey oo uu maanta magaalada Hargeysa kula yeeshay Wariyaha BBC-da Axmed Siciid Cige.

 

 

Taliyuhu waxa uu sheegay dhammaan falalka, hubka iyo walxaha qaraxa ee ay ka soo qabteen magaalooyinka Burco iyo Berbera in ay u hayaan dad gaadhaya 16 qof guud ahaan saddexda magaalo-na waxa uu sheegay inay falalkan u hayaan 18 qof.

 

Listen

http://www.ramaasnews.com/news.php?readmore=4759

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this