Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somaliland police capture weaponry explosive devices + pressconference Pics

Recommended Posts

Wasaarada Arrimaha Iyo Ciidanka Booliska JSL Oo Si Wada-jir U Soo Bandhigay Hub, Qalalbka Walxaha Qarxa Iyo Rimuudka Wax Lagy Qarxiyo

Hargaysa (OWN)- Wasiiradda Arrimahada Gudaha Somaliland iyo Ciidanka Booliska, ayaa si wada jir ah u soo bandhigay hub iyo qalabyo kala duwan oo ah nooca loo adeegsado walxaha qarxa, isla markaana la doonayay in loo adeegsado falaal argagixiso nimo oo laga fulinlahaa Magaalooyinka Hargaysa, Berbera iyo Burco ku waas oo ay ciidanka boolisku fashiliyeen.

 

Hubkaas iyo walxahaas kala duwan oo lagu soo bandhigay xarunta ciidanka birmadka Somaliland ee magaalda hargaysa, ayaa waxa ka soo qayb galay Wasiirka wasaarada arimaha gudaha Dr. Maxamed Cabdi Gaboose, Wasiirka warfaafinta Cabdilaahi Jaamac Cismaan (Geeljire) iyo taliya guud ee ciidanka booliska Somaliland Jen.Cilmi Rooble Fure (Cilmi Kabaal) saaraakiil sare oo ka tiran ciidanka booliska Somaliland.

 

Ugu horayn waxa halkaas ka hadlay taliyha ciidanka booliska Jen.Cilmi Rooble Fure waxaanuu sheegay in qalabka ay maanta ciidanka boolisku saxaafada u soo bandhigayaan ay ku soo qabteen hawlago ay labadii todobaad ee ugu danbeeyey ay ka wadeen guud ahaan dalka.

 

Taliyaha ciidanka boolisku waxa kaloo uu shraxaad ka bixiyey qalabka la soo qabtay iyo siyaabilii loo adeegsan lahaa waxa kaloo uu xusay taliyuhu in ay hayaan 16 qof oo ka mid ah dadkii falalkan ku hawlanaa qaarkalena ay ku daba joogaa,

 

Hadaladii taliyahana wax kamidhaa sidan “qalakan waxa isugu jiraan arin bucad badeed iyo qoloda kale alshabaab,bucad badeeda waxa baasuuka yaasha looga keenay Xamar ragii fulin lahaan wey joogaa waxay iibsadeen doonyo, doonyahaas marka la saaro hubkan ma garanayno in dakadeena lagu weerari lahaa iyo in loo adeegsan lahaa in lagu qafaasho maraakiibta maraysa biya bada cas eek u aadan xeebteena” sidaana wax yidhi taliyaha guud ee ciidanka booliska Somaliland Jen.Cilmi Rooble Fure (cilmi kabaal).

 

Hogaanka miinada ee ciidanka booliska Cumar Cabdilaahi Qaasaali ayaa sharaxaad ka bixiyey noocayada kala duwan ee ay ciidnaka boolisku gacanta ku soo dhigeen iyo siyaaba loo adeegsado waxaanuu sheegay in qalabka la soo qabtay ay ka mid yihiin 12 xabo oo ah miinada nooca ramood kantaroolka lagu hao ku was oo meel la dhig karo gaadhi ama wax kalena lagu dhajin karo kadibna uu qofka qarxinyaa soo istaagayo meel goobta qaraxa u jirta qiyaasti ilaa kun talaabo, waxnaauu sheegay hogaanka miinada ciidanka boolisku in noocayada miinooyinka ay hayeen ay ka mid yihiin kuwa laga sameeyo kiimi kooyinka waxaanuu soo badhigay noocyada sida daqiiqda oo kale ah iyo Xalwad uu sheegay in loo adeegsanayo qarxina noocyadan miinada boodharka ah isagoo xusay in noocan miinada ah ay tahay tii loo adeegsay qaraxii loo gaysatay xarunta madaxtooytada sandii 2008.

 

Sidoo kalena waxa uu taliyah hogaanka miinada Cumar Qaasaali sheegay in qalabkan ay ka mid yihiin miinooyinka wada la dhigo bar tilmaameedka na lagaga dhigto gaadiidka siagoo sheegay in laga soo helay noocan miinada ah wadada u dhaxaysa Hargaysa Iyo Berbera.

 

Waxa kaloo halkaas ka hadlay wasiirka warfaafinta iyi wacyigalinta Somaliland mudane Cabdilaahi Jaamac Cismaan (Geeljire) waxaanu wasiirku baaq u diray bulsha caalamka isagoo ka codasay in ay wadamada aduunku somalinad gacan kla siiyaan dagaalka ay kula jirto budhcad badeeda iyo argagixisada, waxa kaloo wasiirku baaq u diray bahweynta saxaafada Somaliland isagoo ugu baaqay in ay ka qaybqaataan wacyi galinta bulshada ee laga wacyi galinayo amuuraha la xidhiidha falalka argagixisanimada.

 

Ugu dambaytii waxa halkaas ka hadlay wasiirka wasaarda arimaha gudaha JSL Dr. Maxamed Cabdi Gaboose oo aad ugu mahad naqay shacbiweynaha Somaliland oo uu sheegay wasiirku in iyaga la aantood aanay ciidanka boolisku gaadheen guulhan maanta ay soo bandhigayaan iyagoo uu sheegay Dr.Gaboose in dhamaan hawlgaladan la fashiliyey ay soo sheegaan dad muwaadiniin mutadawiciin ah.

 

Waxa kaloo wasiirku baaq u diray bulsha weynta Somaliland oo uu ugu baaqay in ay indha hooda furan lana socdaan dhamaan dhaqadahaaqyada ka socada xaafadahooda, guryaha ay jaarka yihiin, gaadiidka ay kiraynayaan IWM.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xukumada Somaliland Oo Maanta Soo Bandhigtay Hub Iyo Walxaha Qaraxa Oo Ciidanka Boolisku Ka Soo Qabteen Magaalooyinka Hargeysa, Burco iyo Berbera.

 

 

Hargeysa(Ramaas) Okt.02, 2010 - shir-jaraa’id oo ay maanta si wadajir ah ugu qabteen xarunta birmadka ee ciidanka booliska ee magaalada Hargeysa Wasiirada Arrimaha Gudaha Dr. Maxamed Cabdi Gaboose, Warfaatinta C/laahi Jaamac Cisman iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Gen. Cilmi Rooble Furre (Cilmi Kabaal) ayaa waxa ay ku soo bandhigeen walxaha qarxa, qoryo, baasuukayaal iyo kiimikooyin ay ciidanka booliska Somaliland ka soo kala qabteen magaalooyinka Hargeysa, Burco iyo Berbera.

 

hub1.jpg

 

 

Ugu horayn waxa ka hadlay wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Dr. Maxamed Cabdi (Gaboose) waxaanu yidhi isaga oo arintaa ka hadlaya “Casharka maanta miiska yaalaa waxa weeyaan maxaan ka baran karnaa, horta marka ugu horeysa waxa aan ilaahay ka sokow aan mahad balaadhan u celinayaa ciidamada amaanka oo uu ugu horeeyo Boolisku, oo aan ogahay in hawsha ay qabanayaan ee ay ku dabo jiraan waxa miiska saaran in aanay 5% dhamayn, waxa maanta ay ciidamada boolisku soo qabteena waxa ay dadka ugu soo gudbiyeen in ay tusaan in la dhex joogo oo ay dalka ku sugan yihiin ciddii nabadgalyada iyo qaranimada Somaliland wax u dhimaayay, waxa kale oo ay muujinaysaa dedaalka ay hayaan, waxa kale oo aan iyagana mahad u jeedinayaa shacabka reer Somaliland, waayo hawlgalada intaas le’eg iyo kuwa kale ee aan idin leeyahay 90% way jiraan dhamaantood waxa ka dambeeyay muwaadiniinta reer Somaliland oo iskood isu xilqaamay”.

 

 

hub4.JPG

 

Dr. Gaboose oo shacabka reer Somaliland la hadlayaa waxa uu yidhi “Waxa aan shacabka reer Somaliland xusuusin lahaa in ay dareemaan in cadawgii uu dhex joogo iyaga oo dad shacab ah in ay ina dhex joogaan, waa in aynu jaararkeena ka warhaynaa, in gawaadhida la kiraysanayo laga warhayo, in doonta la kiraysanayo laga warhayo”.

hub3.JPG

 

Wasiirku isagoo walxahan sharaxaad ka bixinaya waxa uu yidhi “Waxyaabahan la qabtay waxa ku jira xaashi ay isu hayso xabagi, taas oo si sahlan loogu dhejin karo gaadhigaaga, halkan waxa yaala xalwad, waa ta aynu maalin walba cunno, bal ka warama xalwadii haddii ay noqotay dal dhan wixii lagu qarxin lahaa, waayo suntii la qarxin lahaa haddii ay u baahantay in wixii isu hayn lahaa ay tahay xalwad”.

 

hub4.JPG

 

 

Waxa uu intaa ku sii daray “Magaalada Burco waxa lagu qabtay nin suuqa iska marayay oo shandad yar sita, bal ciidankeena iyo dadkeena gartay qiyaasa in shanadadan yar ay ku jirto dhibaato, haddii aan ka imaado kaas shandada dhex sitay Burco, dersiga kale ee laga bartay wuxuu yahay qaar magaalada Hargeysa ayaa lagu samaynayaa, baasuukihii iyo arrimihii la samayn lahaa Berbera ayaa la geeyay, magaalada Berbera doonyihii ayaa la kala iibsaday, hubkan ayaa la keenay, hubkan aad arkaysaan maaha mid dibadaha inagaga yimid,, muwaadiniin u dhashay Somaliland ayaa taakulaynayay oo doonta iibinaya.

 

 

Haddaba haddii ay 98% dadkeenu ay nadiif yihiin waxa aad ogaataan in wiilkaaga guriga jooggaa uu qayb ka noqon karo burburka gurigaaga iyo mustaqbalkaaga, intaas yar ee inagu dhex jirtaa waxa ay geysan karaan baaba’ iyo hoog aan laga soo kabsan Karin, waxa aanu ogaanay in shacabka reer Somaliland ay ilaashanayaan qaranimadooda”.

 

 

Wasiirka arrimaha guduhu wuxuu ku bogaadiyey ciidanka booliska Somaliland waxyaabahan ay soo qabteen ee khatarta badan ku keeni lahaa haddii aanay soo qaban waxaanu yidhi “Waxa aan idiinku bushaaraynayaa in inkasta oo ay qaar baxsan karaan, in kuwii ka dambeeyayba qaarkood aanu hayno, gacanteenana ay ku jiraan, taasina waa mahad ilaahay xil ayaana idin saaran”.

 

 

Taliyaha ciidanka booliska Somaliland Cilmi Rooble furre, oo isna halkaa ka hadlay ayaa sheegay in dadweynaha reer Somaliland la’aantood ciidanka boolisku soo qaban kareen walxahan.

 

 

Waxaanu yidhi “Runtii dadweynaheenu hadh iyo habeenba way nala shaqeeyaan, waanan ku amaanaynaa, waxaas aanu meesha soo dhignay oo dhan noomay suurtogasheen haddii aanay dadweynuhu nagala qayb gelin, shacabka iyo booliskii soo qabtayna waan ku amaanayaa”.

 

 

Cumar C/laahi Qaasaali oo ka mid ah madaxda sarsare ee ciidanka booliska oo faah-faahin ka bixinayay qalabkan iyo sida looga hawlgalay ayaa yidhi “Alaabtaas yaryar ee aad wada arkaysaan waa wada Remote iyo balaaayo, waxaana lagu qarxin karaa 16 meelood, waxaanay isugu jirtaa arrimo budhcad badeednimo iyo waliba qolada kale ee alshabaab, Qoryahan waxa laga keenay xamar, raggii qaraxyadaas fulinyayna way joogaan. Waxa kale oo jira doonyo la iibiyay, mana garanayno in dekedeena iyo waliba meelaha kale ee muhiimka ah la doonayay in la qarxiyo, doonta la iibiyay ee aanu hadda hayno in lagu soo jeediyo oo waxyeelo la gaadhsiiyo iyo in badda lala galo oo maraakiibta lagu qafaasho laguna waxyeeleeyo, labadaas mid uun bay ahayd sidii uu Janankuba hore idiinku sheegay waxyaabahan waxa lagu soo qabtay magaalooyinka Burco, Berbera iyo Hargeysa, waxaanay ka kooban yihiin dhamaanba waxyaabaha ay adeegsadaan nimanka la yidhaahdo argagaxisadu.”

 

 

Waxa iminka soo baxay oo waxyaabihii hore ee aynu naqaanay ee miinooyinka iyo wixii la hal maala ahaa bedelay waxyaabo yaryar oo lagu sameeyo guryaha, taas oo qofkii awood u lihi uu si hawl yar u samayn karo, taas oo lagu layn karo dad badan iyo hanti dhana lagu burburin karo, waxyaabaha ay hadda ciidamada boolisku soo qabteena waxa ka mid ah Remote Control ay ugu talo galeen in ay meel fog qofka ama meesha ay markaas beegsanayaan ka dilaan, waana 12 xabo oo waxyeelayn kara 12 goobood, awoodooduna aad iyo aad bay u badan tahay”.

 

 

Wasiirka wasaarada warfaafinta iyo wacyigelinta Somaliland Md.C/laahi Jaamac Cismaan (Geel Jire) oo isna ugu dambayntii halkaa ka hadlay ayaa waxaa uu aamaan ujeediyey ciidanka booliska Somaliland ee iyagu soo qabtay walxahan.

 

 

Ramaasnews Desk

 

Hargeisa.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xukuumada Oo Kadib Hawlgalo Ay Boolisku Qaadeen Soo Bandhigtay Hub Iyo Walxaha Qarxa, Sheegtayna In Ay Gacanta Ku Hayso Rag Looga Shakiyay Inay Qaraxyo FulinayenPosted in October 2nd, 2010 by lug in NewsHargeysa-(Lug)-Wasiirada arrimaha gudaha Dr. Maxamed Cabdi Gaboose, warfaatinta C/laahi Jaamac Cisman iyo taliyaha guud ee ciidanka booliska Somaliland Gen. Cilmi Rooble Furre (Cilmi Kabaal) ayaa ka dib hawlgalo ay maalmihii ugu dambeeyay qaadeen ciidanka boolisku soo bandhigay qalab isugu jira walxaha qarxa iyo kiimikooyin ay soo qabqabteen.

 

hub-la-qabtay2-1.jpg

 

Wasiiradan iyo taliyaha ciidanka booliska oo shir jaraa’id ku qabtay xarunta birmadka ee ciidanka booliska ayaa sheegay in ay ku guulaysteen soo qabashada qalab isugu jira walxaha qarxa, rimoodada meelaha fog-fog laga hago, budooyin kiimiko ah iiyo aalado kale.

 

 

Taliyaha guud ee ciidanka booliska Somaliland Cilmi Rooble furre oo ugu horeyn halkaas ka hadlay ayaa sheegay in qabashada walxahan qarxa iyo hubka labada ay ku guulaysteen shacabka reer somalland iyo boolisku waxaanu yidhi

 

“Runtii dadweynaheenu hadh iyo habeenba way nala shaqeeyaan, waanan ku amaanaynaa, waxaas aanu meesha soo dhignay oo dhan noomay suurtogasheen haddii aanay dadweynuhu nagala qayb gelin, shacabka iyo booliskii soo qabtayna waan ku amaanayaa” ayuu yidhi

 

hub-la-qabtay2-2.jpg

 

“alaabtaas yaryar ee aad wada arkaysaan waa wada Remote iyo balaaayo, waxaana lagu qarxin karaa 16 meelood, waxaanay isugu jirtaa arrimo budhcad badeednimo iyo waliba qolada kale ee alshabaab. Qoryahan waxa laga keenay xamar, raggii qaraxyadaas fulinyayna way joogaan.

 

 

hub-la-qabtay2-4.jpg

Waxa kale oo jira doonyo la iibiyay, mana garanayno in dekedeena iyo waliba meelaha kale ee muhiimka ah la doonayay in la qarxiyo, doonta la iibiyay ee aanu hada hayno in lagu soo jeediyo oo waxyeelo la gaadhsiiyo iyo in bada lala galo oo maraakiibta lagu qafaasho laguna waxyeeleeyo labadaas mid uun bay ahayd” ayuu yidhi taliyaha guud ee ciidanka booliska Somaliland Gen. Cilmi Rooble Furre (Cilmi Kabaal) oo hadal kooban ka jeediyay madasha lagu soo bandhigayay.

 

hub-la-qabtay2-5.jpg

 

“Sidii uu Janankuba hore idiinku sheegay waxyaabahan waxa lagu soo qabtay magaalooyinka Burco, Berbera iyo hargeysa, waxaanay ka kooban yihiin dhamaanba waxyaabaha ay adeegsadaan nimanka la yidhaahdo argagaxisadu.

 

 

hub-la-qabtay2.jpg

Waxa iminka soo baxay oo waxyaabihii hore ee aynu naqaanay ee miinooyinka iyo wixii la hal maala ahaa bedelay waxyaabo yaryar oo lagu sameeyo guryaha, taas oo qofkii awood u lihi uu si hawl yar u samayn karo, taas oo lagu layn karo dad badan iyo hanti dhana lagu burburin karo, waxyaabaha ay hada ciidamada boolisku soo qabteena waxa ka mid ah Remote Control ay ugu talo galeen in ay meel fog qofka ama meesha ay markaas beegsanayaan ka dilaan, waana 12 xabo oo waxyeelayn kara 12 goobood, awoodooduna aad iyo aad bay u badan tahay” Sidaas waxa yidhi Cumar C/laahi Qaasaali oo ka mid ah madaxda sarsare ee ciidanka booliska oo faah-faahin ka bixinayay qalabkan iyo sida loogu hawlgalo.

 

Waxa kale oo uu intaa ku daray in qabashada ay ilaa hada ciidamada boolisku soo qabteen waxyaabahan iyo raggii loo aanaynayay in ay ku hawlgalaan ay markhaati cad u tahay in ay dalka ku sugan yihiin isaga oo arrimahaas faah-faahin ka sii bixinayana waxa uu yidhi “Marka burco lagu qabtay, berbera lagu qabtay ee Hargeysa lagu qabtay waxa ay inoo muujinayaan in ay nimankii inala joogaan, taasina maaha mid naga dahsoon ee waanu ka war haynaa, aqalka ay ku jiraan iyo halka ay joogaanbana waa la og yahay, laakiin waxa aanu doonaynaa in aanu gunta gaadhno oo aanu ogaano halka ay ka soo baxayaan iyo cida soo diraysa labadaba,

 

Wasiirka wasaarada warfaafinta iyo wacyigelinta Somaliland Md.C/laahi Jaamac Cismaan (Geel Jire) oo isna halkaas ka hadlay ayaa ka sokow mahadnaqa uu u jeediyay ciidamada booliska ee iyagu soo qabqabtay waxyaabahan qarxa, waxa uu shacabka ku booriyay in ay ka hawlgalaan sidii ay ciidamada booliska ugu soo gudbin lahaayeen waxyaabaha ay ka shakiyaan waxaanu yidhi“Aniga oo magaca xukuumada ku hadlaya waxa aan halkan mahad balaadhan uga soo jeedinayaa ciidamadeena amaanka ee kala duduwan, waxa aan maanta halkan baaq balaadhan uga jeedinayaa umadda reer somaliland waxaanan ugu baaqi lahaa in ay ciidamada la shaqeeyaan, in ay nabada ilaaliyaan, wixii ay arkaana ay soo gaadhsiiyaan ciidamada ugu dhaw, waxaanan qabaa in ay wasaaradu diyaarin doonto numbaro deg-deg ah oo lagala soo xidhiidho, laakiin inta ka horeysa anaga oo og in ay dadku dedaalaan wixii ay arkaana booliska u soo sheegaan, waxaana loo baahan yahay in ay feejignaadaan wixii ay arkaana deg-deg u soo gaadhsiiyaan ciidanka booliska”

 

Wasiirka warfaafinta Somaliland Mr.Geel Jire waxa kale oo uu baaq u diray wadamada Somaliland la jaarka ah iyo kuwa kale ee ka durugsan-ba, waxaanu ugu baaqay in ay dhinac nabadgalyada ka taageeraan xukuumada Somaliland waxaana hadaladisiii ka mid ahaa “Waxa aanu fariin u diraynaa wadamada jaarka iyo beesha caalamka oo aanu ka codsanayno in wixii mucaawimo ah ee amniga ku saabsan, maadaama aanu ka hor tagayno budhcadbadeed iyo argagaxiso in ay noo soo gudbiyaan, taas oo sida ay hadaba ula shaqeeyaan si ka degdegsan noola soo gaadhaan” Ayuu yidhi wasiirka warfaafinta Somaliland.

 

Waxa kale oo uu warbaahinta ka codsaday in wakhtiga ugu badan la siiyo ciidamada amniga si ay bulshada ugu baraarujiyaan khatarta ay leeyihiin kooxaha argagaxisada ahi.

 

Ugu danbayntiina waxa isna halkaas ka hadlay wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Dr. Maxamed Cabdi (Gaboose)

 

“Casharka maanta miiska yaalaa waxa weeyaan maxaan ka baran karnaa, horta marka ugu horesa waxa aan ilaahay ka sokow aan mahad balaadhan u celinayaa ciidamada amaanka oo uu ugu horeeyo Boolisku, oo aan ogahay in hawsha ay qabanayaan ee ay ku dabo jiraan waxa miiska saaran in aanay 5% dhamayn, waxan maanta ay ciidamada boolisku soo qabteena waxa ay dadka ugu soo gudbiyeen in ay tusaan in la dhex joogo oo ay dalka ku sugan yihiin cidii nabadgalyada iyo qaranimada Somaliland wax u dhimayay, waxa kale oo ay muujinaysaa dedaalka ay hayaan, waxa kale oo aan iyagana mahad u jeedinayaa shacabka reer Somaliland, waayo hawlgalada intaas le’eg iyo kuwa kale ee aan idin leeyahay 90% way jiraan dhamaantood waxa ka danbeeyay muwaadiniinta reer Somaliland oo iskood isku xil qaamay,”

 

Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland waxa uu shacabka xusuusiyay in cadawgoodu ay geed dheer iyo mid gaabanba u fuuleen sidii ay u burburin lahaayeen qaranimada Somaliland, waxaanu ugu baaqay guud ahaanba shacabka in ay ka feejignaadaan “Waxa aan shacabka reer Somaliland xusuusin lahaa in ay dareemaan in cadawgii uu dhex joogo iyaga oo dad shacab ah in ay ina dhex joogaan, waa in aynu jaararkeena ka war hayno, in gawaadhida la kiraysanayo laga warhayo, in doonta la kiraysanayo laga warhayo” ayuu yidhi Dr. gaboose.

 

“Waxyaabahan la qabtay waxa ku jira xaashi ay isu hayso xabagi, taas oo si sahlan loogu dhejin karo gaadhigaaga, halkan waxa yaala xalwad, waa ta aynu maalin walba cunno, bal ka warama xalwadii haddii ay noqotay dal dhan wixii lagu qarxin lahaa, waayo suntii la qarxin lahaa haddii ay u baahantay in wixii isu hayn lahaa ay tahay xalwad” ayuu yidhi Gaboose.

 

“Magaalada Burco waxa lagu qabtay nin suuqa iska marayay oo shandad yar sita, bal ciidankeena iyo dadkeena qiyaasa, gartay in shanadadan yar ay ku jirto dhibaato,.

 

Haddii aan ka imaado kaas shandada dhex sitay burco, dersiga kale ee laga bartay wuxuu yahay qaar magaalada hargeysa ayaa lagu samaynayaa, baasuukihii iyo arrimihii la samayn lahaa berbera ayaa la geeyay, magaalada berbera doonyihii ayaa la kala iibsaday, hubkan ayaa la keenay,.

 

Hubkan aad arkaysaan maaha mid dibadaha inagaga yimid,, muwaadiniin u dhashay Somaliland ayaa taakulaynayay oo doonta iibinaya, hadaba haddii ay 98% dadkeenu ay nadiif yihiin waxa aad ogaataan in wiilkaaga guriga joogaa uu qayb ka noqon karo burburka gurigaaga iyo mustaqbalkaaga, intaas yar ee inagu dhex jirtaa waxa ay geysan karaan baaba’ iyo hoog aan laga soo kabsan Karin, waxa aanu ogaanay in shacabka reer Somaliland ay ilaashanayaan qaranimadooda”

 

Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland ayaa ku bogaadiyay saraakiisha ciidanka booliiska soo qabashada walxahan iyo waliba kooxihii ka soo maleegay, waxaanu intaasi ku daray in ragii soo maleegay qaarkood ay hada gacanta ku hayaan “Waxa aan idiinku bushaaraynayaa in in kasta oo ay qaar baxsan karaan, in kuwii k adanbeeyayba qaarkood aanu hayno, gacanteenana ay ku jiraan, taasina waa mahad ilaahay xil ayaana idin saaran,” ayuu hadalkiisa kaga baxay wasiir Gaboose.

 

HWN

Share this post


Link to post
Share on other sites

Caawa oo amaanka Caasimada Somaliland si wayn loo adkeeyay.

 

 

Dhinaca kale baabuurta badan oo ay saaran yihiin ciidanka amaanka ayaa caawa si ......

 

Hargeysa(GNS):- Amaanka caasimada Somaliland ee Hargeysa aya si wayn loo adkeeyay , iyadoo ay sugayaan amaanka ciidanka nabadgalyada baadhitaanana ka wada isgoysyada magaalada Hargeysa .

Wasiirka Arimaha gudaha Somaliland Dr Gaboose iyo taliyaha ciidanka booliska Cilmi Kabaal ayaa maanta soo badhigay hub iyo qalabo kala duwan oo loo adeegsado waxyaalaha qarxa, iyadoo lagu soo qabtay hawlo baadhintaan oo laga fuliyay gobolka Saaxil iyo gobolka Maroodi jeex .

 

Saraakil ka tirsan ciidamada amaanka oo aan caawa wax ka wadiinay sababta caawa si gaar ah lo sugayo amaanka caasimada ayaa sheegay in ay tahay uun taxadir balse aaanay jirin wax wayn oo laga shikiyaa.

 

mar aan soo booqanay goobaha kala duwan ee ay ciidanku dhigteen baabuurta iyo ciidanka baadhitaanka ka wada isgoysyada ayaa waxa ka muuqata inay si taxadir leh u baadhayaan dhamaan baabuurta maraysa isgoysyada ay ku sugan yihiin ciidanka amaanka, halka dhamaan

wadayaasha baabuurta ee maraya si wayn ugu hogaansan yihiin baadhitaanka caawa ka socda isgoysayada caaasimada qaarkood.

 

Dhinaca kale baabuurta badan oo ay saaran yihiin ciidanka amaanka ayaa caawa si wayn loogu arkayaa inay gaafwareegayaan wadooyinka waawayn ee casimada , iyadoo aan dadku u arkayaan uun hawlgalo lagu sugayo amaanka caasimada Somaliland ee Hargeysa.

 

 

Hawlgalkan caawa lagu sugayo amaanka wali lama hubo inuu xidhiidh toos ah la leeyahay qalabkii maanta ay soo bandhigeen wasiirka arimaha gudaha iyo taliyaha ciidanka qaranka oo xarunta birmadka ku soo bandhigay hub iyo qalabo kala duwan oo loo isticmaali karo waxyaalaha qarxa iyadoo hawlgaladaasi laga fuliyay gobolka Maroodijeex iyo gobolka Saaxil.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Sharwadayaal ninkii ALLE daris uga dhigay shiddo kama dheerato.

Sharafse waxa leh Ciidanka heeganka u ah iyo shacabka feejigan.

Who do the weapons belong to?

Timir Ayaa kale iska leh Pugland iyo Al-shaydaan Nooooo

Share this post


Link to post
Share on other sites
Timur   

Wiil Cusub, so the khat addicts believe that Puntland is teaming up with Al-Shabaab to attack Hargeisa?

 

I'd like to try some of their green leaf, it sounds out of this world.

Share this post


Link to post
Share on other sites

SXB first of all green leafs are also addicted in your dry villages "Laga baray laga badi".

Secondly it is two different cases one in berbera for preparing pirate action and two cases in Hargeisa and Burco for shadadiin who needs more blood to please their arab masters.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Somaliland Thwarts Terrorist attacks

 

The Security forces of the break away republic of Somaliland thwarted an Al shabaab terrorist attack.

 

In a joint press conference in Somaliland’s capital Hargeisa, Mohammed Abdi Gabose, Somaliland’s interior minister and Somaliland's police chief, Ilmi Rooble Furre said that the security forces foiled plotted terrorist attacks against Somaliland and even showed explosives.

 

“The last few days our powerful police forces conducted search operations in different parts of Somaliland cities and towns and managed to seize more than ten explosive things, including remote control explosives and unexploded suicide vests,” Somaliland interior minister Gabose said.

 

The minister blamed the failed terror attacks on Somalia’s hard-line terrorist group Al shabaab, which claimed responsibility for the deadly bombings which happened in the Ugandan capital of Kampala on July 12th.

 

Law enforcement officials, said investigators are still busy in conducting their investigations however 18 suspects have been detained.

 

However, no one has claimed responsibility for any of the attempted attacks in Somaliland so far.

 

Somaliland and Puntland have been the most stable areas in Somalia after the collapse of the country’s military government in 1991.

 

Somalilanders recently elected new president, Ahmed Siilaanyo, in free and fair national elections.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Thankful   

The last few days our
powerful
police forces conducted search operations in different parts of Somaliland cities and towns and managed to seize more than ten explosive
things
, including remote control explosives and unexploded suicide vests,”
Somaliland interior minister Gabose said.

LOOOOOL, That was a good laugh! :D:D

 

So explosive "things"???? If the police forces are so powerful then what does that make the ONLF??

 

I think all these pics and media reports of captured weapons is to try and gain some credibility after the humiliation by the ONLF.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this