Sign in to follow this  
Deeq A.

29 kamid ah Shaqaalaha Qaramada Midoobay oo lagu dilay Marinka Gaza

Recommended Posts

Deeq A.   
126221307_gaza_israel_west_bank_map640_x

Hay’adda Qaramada Midoobay ee qaabilsan qaxootiga Falastiiniyiinta ayaa sheegtay  in 29 ka mida shaqaaleheeda, lagu dilay Gaza, tan iyo markii uu bilaabmay dagaalka u dhexeeya Israa’iil iyo Xamaas.

Hay’addan oo loo soo gaabiyo UNRWA ayaa barteeda X, ee hore loogu yaqaanay Twitter, ku xaqiijisay geerida 29 ka mida shaqaaleheeda, iyada oo tirada dhimashadu ay ahayd maalinimadii Sabtidii 17 qof, hase ahaatee ay haatan sare u kacday.

Kumanaan ka mida shacabka Gaza ayaa gabaad u raadsanaya xarumaha ay maamusho hay’adda Qaramada Midoobay ee qaabilsan qaxootiga Falastiiniyiinta ee UNRWA.

Wasaaradda caafimaadka ee Gaza ayaa sheegtay in weerarada cirka ah ee Israa’iil in lagu dilay 4,600 oo Falastiiniyiin ah, halka Israa’iil ay sahaydii, shidaalkii, biyihii iyo korontadiiba ka jartay marinka Gaza.

PUNTLAND POST

The post 29 kamid ah Shaqaalaha Qaramada Midoobay oo lagu dilay Marinka Gaza appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this