Sign in to follow this  
Deeq A.

Xogta Cabdulqaadir Ikrima – Hogaamiyaha xiriirka Al-Shabaab iyo Al-Qaacida

Recommended Posts

Deeq A.   
Ikrama.jpg?fit=640%2C360&ssl=1

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa la helay xogta ninka xiriirka u ahay ururrada Al-Shabaab iyo Al-Qaacida, kaas oo lagu magacaabo Cabdulqaadir Maxamed Cabdulqaadir, wuxuuna caan ku yahay magaca (Ikrima).

Cabdulqaadir Ikrima waa Soomaali-Kenyaan, wuxuu noloshiisa inta ugu badan ku qaatay magaalooyinka Nairobi iyo Mombasa ee dalka Kenya, Mareykanka ayaa horay madaxiisa u dul dhigay lacag dhan $3 milyan oo dollar.

Sidoo kale Mareykanku sanadkii 2013-kii ayuu weerar toos ah ku qaaday ninkaan iyo saraakiil kale oo Shabaab ah, xilli ay ku sugnaayeen degmada Baraawe ee gobolka Sh/Hoose, balse howlgalkaasi ma guuleysan.

Da’da ninkaan waxaa lagu qiyaasay 40 sano, waxaana loo aqoonsaday mid ka mid ah argagixisada ugu khatarta badan caalamka, Ikrima waxaa lagu eedeeyey inuu soo abaabulay weerar badan oo argagixiso.

Weerarada la sheegay inuu abaabulay waxaa ku jira weerarkii cuslaa ee Suuqa Wasteget Mall ee magaalada Nairobi ay Shabaab ka geysteen, bishii October 2013-kii waxaa guul dareystay howlgal uu Mareykanku doonayey in lagu dilo ninkaas oo ka dhacay magaalada Baraawe ee Soomaaliya.

Qoyska Cabdulqaadir Ikrima ayaa intii ay Soomaaliya burburka ku jirtay u guuray magaalada Mumbasa ee dalka Kenya, wuxuu ahaa qoys ku jira dabaqada dhexe ee nolosha, kadib ay u guureen Nairobi, inta badan noloshiisa koriimada wuxuu ninkaasi ku qaatay gudaha Kenya.

Saaxiibadiis waxay sheegeen inuu ahaa nin aad u isticmaala balqada, qaadka iyo nooc ka mid ah Xashiishka ayey saaxiibadii Ikrima sheegeen inuu aad u isticmaali jiray.

Inta uusan ku biirin argagixisada sanadkii 2004 wuxuu ku guul dareystay inuu ogolaansho deganaasho ka helo dalka Norwey, sidoo kale waxaa la sheegay in muddo uu ku noolaa dalka Ingiriiska, kadibna uu ku soo laabtay Nairobi.

In kastoo aan la ogaan halka lagu tashiiliyey Cabdulqaadir Ikrima, hadana wuxuu ka mid ahaa xubnihii la jaan qaaday bilowgii argagixisada, Mareykanka, Kenya iyo dowlado kale muddo ku raad joogay ninkaan weli kuma guuleysan inay dilaan ama qabtaan.

Waxaa la xaqiijiyey in Cabdulqaadir Ikrima uu yahay ninka qaabilsan isku xirka ururrada Al-Shabaab iyo Al-Qaacida, waa labo ka mid ah argagixsada ugu khatarta badan caalamka, waxaana la sheegay in Ikrima uu ku nool yahay gobollada koofureed ee Soomaaliya.

The post Xogta Cabdulqaadir Ikrima – Hogaamiyaha xiriirka Al-Shabaab iyo Al-Qaacida appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this