Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab oo ku dagaalamay duleedka Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   
Muqdisho-1.jpg?fit=1284%2C713&ssl=1

Muqdisho (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa laga halayaa dagaal culus oo u dhexeeyay ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab oo xalay ka dhacay deegaanka Jasiira duleedka magaalada Muqdisho, kaas oo muddo socday

Dagaalka ayaa yimid, kadib markii ay Al-Shabaab weerar ku qaadeen saldhig ay ciidamada dowladda ku leeyihiin halkaasi, waxaana kadib xigay dagaal toos ah.

Ilo deegaanka ah ayaa innoo sheegaya inay maqlayeen rasaasta iyo hubka ay is weydaarsanayeen labada dhinac, wuxuuna dagaalka ka dhacay fariisin ku taalla koonaha deegaanka Jasiira oo ku yaalla dhanka xeebta ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkan, mana jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka oo ku aadan dhacdadaasi.

Kooxda Al-Shabaab oo sheegatay mas’uuliyadda weerarka ayaa shaaca ka qaaday inay halkaas ku dishay tiro kamid ah askarta ciidamada dowladda, sida ay hadalka u dhigtay.

Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, waxaana goobaha lagu dagaalamayweli  ku sugan ciidamada dowladda Soomaaliya oo saaka howlgallo ka wada deegaanka Jasiira.

Maalin kahor ayay ahayd markii sidaan oo kale ay Al-Shabaab weerar loo adeegsaday qarax ismiidaamin ah ku qaaday saldhig ay ciidamada ammaanka  ayku leeyihiin deegaanka Ceelasha Biyaha duleedka magaalada Muqdisho, kaas oo dhaliyay dhimasho iyo dhaawac.

Weeraradan ayaa qayb ka noqonaya falalka ammaan darri ee ka dhacaya Muqdisho iyo agagaarkeeda, maadaama ay Al-Shabaab culeyskooda soo saareen gudaha caasimada.

Kooxda ayaa inta badan jab xoogan kala kulantay dagaallada tooska ah ee uga socda gobollada dalka, kaas oo looga qabsaday dhul ballaaran, sida ay sheegtay dowladda dhexe.

The post Ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab oo ku dagaalamay duleedka Muqdisho appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this