Sign in to follow this  
Deeq A.

Laba askari oo lagu toogtay BAYDHABA kadib markii…

Recommended Posts

Deeq A.   
395196877_796483619184913_59801856534289

Baydhaba (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee Koonfur Galbeed ayaa maanta xukun dil toogasho ah ku fuliyay laba askari oo ka kala tirsanaa ciidamada daraawiishta maamulkaa iyo Xogga dalka, kuwaas oo horay dilal u gaystay dilal.

Toogashada ayaa ka dhacday fagaare ku yaalla duleedka magaalada Baydhaba, waxaana goobjoog ahaa mas’uuliyiin, saraakiil ka tirsan Maxkamadda Ciidamada iyo shacab.

Labada askari ee tiirka la geeyay ayaa lagu kala magacaabi jiray Maxamed Fidle (Abuurow) oo ka tirsanaa Daraawiishta Koonfur Galbeed iyo Ismaaciil Cabdullahi Cadiraxmaan (Dhagey) oo isna ka tirsanaa Xoogga dalka, waxaana horay xukunno dil ah oo ah qisaasta marxuumiinta ay dileen ugu ridday Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida.

Geedow ayaa horay u dilay Marxuum Mursal Cali Cabdi oo uu ku dilay Buurhakaba, dilkaas ayaa ka dhashay rasaas oo uu Geedow huwiyay gaari caasi ah oo ka yimid Muqdisho.

Sidoo kale Cabdullahi Dhagey ayaa isna horay u dilay Marxuum Xuseen Ugaas Cabdiraxmaan oo ay qaraabo ahaayeen, kana tirsanaa saldhigga Booliiska Rabdhuure, ayada oo saaka lagu filay dilkii qisaasta ee marxuumkii uu horay u dilay

Ehellada labada marxuumiinta ee horay loo dilay ayaa soo dhaweeyay fulinta xukunka toogashada ah ee horay usoo baxay, maadaama cadaaladda la marsiiyay labada askari ee saaka lagu dilay Baydhaba.

Waa toogashadii labaad oo maalmo gudahood ay fulineyso Koonfur Galbeed, ayada oo Sabtidii Baydhaba lagu dilay saddex askari oo iyguna horay dial u gaytay dilal, kuwaas oo kala ahaa Xuseen Cali Macallin limaan (Gurey) oo ka tirsanaa ciidanka daraawiishta Koonfur Galbeed, Cabduwaaxid Cali Sheikh Aadan oo ka tirsanaa militariga  Soomaaliya iyo Cabdulaahi Ibraahim Yarow (Borow) oo isna kamid ahaa booliska Koonfur Galbeed.

Si kastaba, Koonfur Galbeed ayaa horay sidaan oo kale toogasho ugu fulisay askar iyo xubno ka tirsanaa Shabaab oo lagu Maxkamadeeyay magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay.

The post Laba askari oo lagu toogtay BAYDHABA kadib markii… appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this